Raysal-Wasaaraha Somaliya Oo Shaaciyay In Dawlada Emaraadka Loo Celin Doono Lacag Lagaga Qabtay Muqdisho Iyo Farmaajo Soo Saaray Amar Uu Kaga Soo Horjeedo.

0
Saturday January 08, 2022 - 01:36:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal-Wasaaraha Somaliya Oo Shaaciyay In Dawlada Emaraadka Loo Celin Doono Lacag Lagaga Qabtay Muqdisho Iyo Farmaajo Soo Saaray Amar Uu Kaga Soo Horjeedo.

    Raysal-Wasaaraha Somaliya Oo Shaaciyay In Dawlada Emaraadka Loo Celin Doono Lacag Lagaga Qabtay Muqdisho Iyo Farmaajo Soo Saaray Amar Uu Kaga Soo Horjeedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal-Wasaaraha Somaliya Oo Shaaciyay In Dawlada Emaraadka Loo Celin Doono Lacag Lagaga Qabtay Muqdisho Iyo Farmaajo Soo Saaray Amar Uu Kaga Soo Horjeedo.
MUQDISHO(Xogreeb.com)-Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta raali galin ka bixiyay Dhacdadii dowladda Imaaraadka  Carabta loogala wareegay lacag gaadheysay  sagaal Milyan bishii April ee sanadkii 2018, Taasoo lagu qabtay gudaha garoonka Diyaaraha Aadan Cadde Ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u balan qaaday dowladda Imaaraadka Carabta in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda dib loogu wareejin doono sida ugu dhaqsiyaha badan dowladda Imaaraadka.
Rooble ayaa hadalkaan sheegay xili maanta ay la wareegayeen deeq gargaar ah oo dowladda Imaaraadka Carabta keentay Soomaaliya, taasoo loogu talagalay gurmadka abaaraha baahansan ee xiligan ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya,
Dhanka kale madaxwaynaha wakhtigiisu dhamaaday ee somaliya maxamed cabdilaahi farmaajo oo caawa goordhawayn soo saaray qoraal uu kaga soo horjeedo hadalka raysalwasaaraha somaliya rooble ee ah in dawlada emaraadka loo celinayo lacagta hore dawlada ugaga qabtay madaarka muqdisho ayaa madaxda baanka somaliya ku amray in aan lacagtaasi laga saari Karin qasnada dawlada 
Dhawaaqyada iyo Amarada iska soo horjeeda ee raysalwasaaraha iyo madaxwayne farmaajo ayaa ah qaar sii xoojinaya khilaafkii masuuliyiintan ka dhexeeyay kaasi oo sobobay in xiligan loo awood sheegtay madaxwayne farmaajo ismarkaana aanu shaqaynaynin awaamiirta uu soo saaro halka ay madaxwaynayaashii maamul goboleedyada somaliya uhogaansameen awaamiirta raysalwasaaraha iyagoo kazoo qaybgalay shirkii madasha wadashiga oo muqdisho ka socda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured