"Daraasado Caafimaad Oo Xaqiijiyey In Cabbitaanka Sharaabka Soodhaha Leh Oo La Badsadaa In Ay 61 Kor Uqaado Khatarta Ah In Qofka Ku Dhacaan Xanuunnada Aan Dawada Lahayn Ee Ku Dhaca Kelyaha"

0
Tuesday January 04, 2022 - 01:22:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Daraasado Caafimaad Oo Xaqiijiyey In Cabbitaanka Sharaabka Soodhaha Leh Oo La Badsadaa In Ay 61 Kor Uqaado Khatarta Ah In Qofka Ku Dhacaan Xanuunnada Aan Dawada Lahayn Ee Ku Dhaca Kelyaha"

    "Daraasado Caafimaad Oo Xaqiijiyey In Cabbitaanka Sharaabka Soodhaha Leh Oo La Badsadaa In Ay 61 Kor Uqaado Khatarta Ah In Qofka Ku Dhacaan Xanuunnada Aan Dawada Lahayn Ee Ku Dhaca Kelyaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Daraasado Caafimaad Oo Xaqiijiyey In Cabbitaanka Sharaabka Soodhaha Leh Oo La Badsadaa In Ay 61 Kor Uqaado Khatarta Ah In Qofka Ku Dhacaan Xanuunnada Aan Dawada Lahayn Ee Ku Dhaca Kelyaha"

"Sharaabka Soodhaha leh waxa uu u daranyahay caafimaadka, Meelaha uu sida gaarka ah khatarta ugu yahayna waxaa ka mid Ah Beerka oo uu ku ururiyo xaydha,  kuna keeno caabuq Xaaladahaas oo ku dambayn kara in beerku burburo ama Kansarka beerka. Waxa uu sababaa miisaanka qofka oo kordha, waxa aanu qofka ku keeni karaa xanuunnada macaanka, lafa xanuunka, iyo burburka iyo suuska Ilkaha.

 

 

????????????????????????????????????

Waxaa iyaguna jira daraasado caafimaad oo xaqiijiyey in cabbitaanka Soodhaha leh oo la badsadaa ay 61 kor u qaado khatarta ah in qofka ay ku dhacaan Xanuunnada aan Dawada lahayn ee ku dhaca kelyaha.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Boston ee dalka Maraykanku ayaa iyaguna ogaaday in cabbitaanka badan ee sharaabka soodhaha lihi ay saamayn weyn ku yeelato awoodda bacariminta ragga, isla markaana hoos u dhigto fursadaha uur qaadista iyo Dhalmada Haweenka.

Daraasad lagu sameeyey Dalka Maraykanka ayaa daah-furtay in sharaabka soodhaha leh iyo cabitaannada macaanku ku badan yahay ee qasacadaysani ay xoojiyaan koritaanka burooyinka xiidhmaha ku abuurma ee kansarka noqda.

Xeeldheereyaal tiro badan ayaa ku taliyey in dawladuhu ay cashuuro dheeraad ah sida sigaarka u saaraan sharaabka soodhaha leh si uu qiimihiisu u kaco isticmaalkiisuna u yaraado, sida oo kalana dusha sare lagaga dhejiyo warqad digniin caafimaad ah oo qof kasta oo isticmaali lahaa u sheegaysa khatartooda.

QALINKII; QORAA KAMAAL MARJAAN.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured