Alle Haw Naxariistee Dadkii ugu Caansanaa ee Soomaali ka geeriyooda sannadkii tagay 2021.

0
Sunday January 02, 2022 - 23:57:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alle Haw Naxariistee Dadkii ugu Caansanaa ee Soomaali ka geeriyooda sannadkii tagay 2021.

    Alle Haw Naxariistee Dadkii ugu Caansanaa ee Soomaali ka geeriyooda sannadkii tagay 2021.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle Haw Naxariistee Dadkii ugu Caansanaa ee Soomaali ka geeriyooda sannadkii tagay 2021.
Maxamed Daahir Afrax
Wuxuu 9-kii bishii Oktoobar 2021 ku geeriyooday xanuunka Covid-19.
Wuxuu ahaa qoraaga sheeko faneedka caanka ah ee Maanafaay, taas oo ay dad badan ku magacaabaan astaanta sheeko faneedda Soomaalida.
Cali Mahdi Maxamed
Tobanka bishii March 2021 ayuu xanuunka Covid-19 ugu geeriyooday magaalada Nairobi.
Cali Mahdi Maxamed wuxuu noqday Madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 1991 kadib markii ay burburtay dawladdii kacaanka.


Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika)
20 Nov 2021, wuxuu ku geeriyooday weerar qarax loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho.
Cabdicasiis Afrika wuxuu ahaa weriye muddo dheer ka shaqaynayay Soomaaliya, markii dambana madax ka noqday Radio Muqdisho.

General Maxamed Nuur Galaal
31 Jan 2021, Al Shabaab ayaa ku dishay Hotel uu ka daganaa Muqdisho.
Jeneraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan ee ciidamada Soomaaliya, wuxuu ka qayb galay dagaalkii 1977 ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Jiim Sheekh Muumin
24 Nov 2021, Magaalada Muqdisho ayuu ku geeriyooday.
Muxiyaddin Sheekh Muumin waxa uu ahaa mullaxamiiste aad loo qadariyo iyo musishan, heestii ugu horreysay ee uu laxameeyo waxay ahayd "Dhalinyarooy u Dhiidhiya Dhulkiina" sanadkii 1964 kii oo uu socday dagaal u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ibraahin ismaaciil Sugulle Sooraan
26 may 2021, Magaalada Burco ayuu ugu geeriyooday xanuunka Covid-19.
Ibraahin Ismaaciil Sugulle wuxuu ahaa mu'allif, abwaan iyo jilaa riwaayadihiisa aad looga jeclaa gayiga Soomaalida.

Cabdiraxmaan Cismaan Maxabbe
20 Aug 2021, Magaalada Boorame ayuu xanuun ugu geeriyooday.
Waxa uu ahaa fannaan, mulaxan iyo hal-abuur ku luuqeeyay heeso badan oo caan ah.
Faadumo Cali Jaamac (Nakruuma)
21 Feb 2021, Magaalada Muqdisho ayay ugu geeriyootay xanuunka Covid-19.
Faadumo Cali Jaamac (Nakruuma), Waxay ka mid ahayd 12 gabdhood oo lagu aasaasay kooxdii Hobollada Waaberi.
todobaatameedyadii, iyada oo qaaday heeso badan oo ay keli ku ahayd iyo kuwa talantaalli ah labadaba.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan
16 Feb 2021, Magaalada Muqdisho ayuu ugu geeriyooday xanuunka Covid-19.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan wuxuu tafsiirka Qur'aanka iyo barnaamijyo diini ah muddo ka jeedinayay Telefishinka Qaranka Soomaaliya, halkaas ayayna dad badan kala socon jireen sanadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa.
Maxamed Aadan Shamuuri
1 Sep 2021, Magaalada Muqdisho ayuu ugu geeriyooday xanuun muddo hayay.
Maxamed Aadan Shamuuri wuxuu ahaa Fanaan la jecelyaahy iyo Jilaa riwaayadaha. Waxa uu fanka ku biiray todobaatameeyadii.

Cabdi Muriidi Dheere
27 Sep 2021, Magaalada Muqdisho ayuu ugu geeriyooday xanuun muddo hayay.
Cabdi Muriidi Dheere, oo ku magac dheeraa Ajakis, waxa uu ahaa majaajiliiste aad loo wada jeclaa iyo daadihiyihii barnaamijka Masraxa Furan.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif
23 Feb 2021, Muqdisho ayuu ugu geeriyooday xanuun.
Qoyskiisu wuxuu ka mid ahaa dhaqanka Soomaalida kuwooda uga caansan, in ka badan 20 jiil ayay awoowyadii ahaayeen ugaasyo.
Xigasho: BBC Somali.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured