Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti iyo Maayirada Jabuuti oo Soo Dhoweyn Layaab leh ku Qaabilay Wafti uu Hoggaaminayey Maayirka Caasimada Cabdikariin Axmed Mooge...

0
Sunday January 02, 2022 - 23:54:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti iyo Maayirada Jabuuti oo Soo Dhoweyn Layaab leh ku Qaabilay Wafti uu Hoggaaminayey Maayirka Caasimada Cabdikariin Axmed Mooge...

    Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti iyo Maayirada Jabuuti oo Soo Dhoweyn Layaab leh ku Qaabilay Wafti uu Hoggaaminayey Maayirka Caasimada Cabdikariin Axmed Mooge...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti iyo Maayirada Jabuuti oo Soo Dhoweyn Layaab leh ku Qaabilay Wafti uu Hoggaaminayey Maayirka Caasimada Cabdikariin Axmed Mooge...
Jabuuti(Xogreeb.com)-Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Maayirada Magaalada Jabuuti Marwo Fadouma Awaleh Osman, ayaa Shalay Madaarka Caalamiga ah ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti kusoo dhoweeyey Wafti Balaadhan oo u hoggaaminayo Maayirka Caasimada Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdikariin Axmed Mooge oo safar shaqo ku jooga Dalka Jamhuuriyada Jabuuti. 
Safiir iyo Maayirada Jabuuti oo ay Wehelinayo Gudoomiyaha Xaafadda Bel-Bela, ayaa Maayirka Caasimada Cabdikariin Axmed Mooge iyo xubnaha waftiga ah ee Xildhibaanada ku qaabilay darajo sare, iyadoo Laga soo dejiyey qaybta V.I.P-da Madaarka Caalamiga ah ee Jabuuti.
Sidoo kale, Safiir Cabdifatax Siciid Axmed iyo Maayirada Jabuuti Marwo Fadouma Awaleh Osman, waxay kusoo dhoweeyeen mar kale Xarunta and Somaliland ee Jabuuti. 
Maayir Cabdikariin iyo xubnaha Xildhibaanada ah ee la socday, ayaa si weyn ula dhacay soo dhoweyn Balaadhan ee ay kala kulmeen Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Maayirada DJabuuti marwo Fadouma Awaleh Osman.
Xubnaha waftiga ah ee Safarka ku wehelinaayey Maayir Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa kala ahaa Xildhibaan Siciid Jaamac iyo Xildhibaan Middeeye iyo Xildhibaan Askar.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured