Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Xarunta cusub Ee Maaraynta Biyaha Dhulka Hoostiisa iyo Biyo-xidheennada

0
Monday December 27, 2021 - 23:30:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Xarunta cusub Ee Maaraynta Biyaha Dhulka Hoostiisa iyo Biyo-xidheennada

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Xarunta cusub Ee Maaraynta Biyaha Dhulka Hoostiisa iyo Biyo-xidheennada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Xarunta cusub Ee Maaraynta Biyaha Dhulka Hoostiisa iyo Biyo-xidheennada
Hargeysa:27/12/2021(Xogreeb)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay xarunta cusub ee maaraynta cusub ee maaraynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo biyo-xidheennada oo ay hirgelisay wakaallada biyaha Hargeysa.
Munaasibadda xadhig-ka-jarista xaruntan cusub, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maareeyaha wakaallada biyaha Hargeysa, safiirro, aqoonyahanno iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.
Ugu horrayn maareeyaha wakaallada biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood oo madasha hadalkeeda daah-furay, ayaa si qoto dheer u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee ay wakaalladu usoo maratay horumarka ay haatan gaadhay, waxana uu caddeeyey in dhammaan agabka qaaliga ah ee ay wakaalladu soo bandhigay laga soo iibiyey cashuurta muwaaddiniinta, islamarkaana aanay jirin dawlad shisheeye oo gacan inaga siisay.
Ergeyga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa iyaduna dhankeeda sharraxday muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin nolosha, waxana ay maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa iyo madaxweynahaba ku ammaantay sida ay ugu hagar baxeen horumarka ay wakaalladu gaadhay iyo dedaalka ay ugu jirto sidii ay caasimaddu u heli lahayd biyo ku filan.


Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey guusha ay gaadhay wakaalladda biyaha Hargeysa, isaga oo hoosta ka xarriiqay in markasta oo cashuurta la tashiilo horumarkaas iyo mid la mid ahba la gaadhayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey horumarka wakaallada biyaha Hargeysa, waxana uu tilmaamay inay wakaalladdu gaadhay marxalad aad muhiim ah, kana faa’iidaysatay lacagihii ay yaraa ee ay bulshada ka qaaddday, waxana uu ku tilmaamay hay’ad u qalanta inay higsadaan hay’adaha kale ee qaranku leeyahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured