Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Oo Caawa Booqasho Ugu Tagay Hoygiisa Hargeysa Suldaan Barre Xaaji Xuseen Oo Dalka Hindiya Ku Tagaya Safar Caafimaad...

0
Saturday December 25, 2021 - 22:22:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Oo Caawa Booqasho Ugu Tagay Hoygiisa Hargeysa Suldaan Barre Xaaji Xuseen Oo Dalka Hindiya Ku Tagaya Safar Caafimaad...

    Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Oo Caawa Booqasho Ugu Tagay Hoygiisa Hargeysa Suldaan Barre Xaaji Xuseen Oo Dalka Hindiya Ku Tagaya Safar Caafimaad...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Oo Caawa Booqasho Ugu Tagay Hoygiisa Hargeysa Suldaan Barre Xaaji Xuseen Oo Dalka Hindiya Ku Tagaya Safar Caafimaad...
Hargeysa (xogreeb.com)- Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali X Xasan, Ayaa Caawa Gurigiisa Magaaladda Hargeysa ku bookhday Suldaan Barre Xaaji Xuseen Oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Arab, kaas oo safar Caafimaad ugu bixi doona dalka Dibeddiisa. 
Musharrax Cirro Iyo Madaxda wehelinaysay, Ayaa suldaanka Eebbe uga baryey in uu  caafimaad buuxa siiyo dalka ku soo nabad celiyo Isaga oo caafimaadkiisu taam yahay .
Dhanka kale Suldanka Barre, Ayaa aad iyo aad uga mahad celiyey Booqashadda ay ugu yimaaddeen Weftiga Xisbiga WADDANI, Waxaana uu xusay Inuu booqashaddoodda filanaayey isla markaana ay tahay mid ay mudan yahiin.
Suldaanka ayaa ayaa xusay in uu wakhti hore u bixi lahaa balse dib u dhaca ay sababtay kadib markii loo diiday Visihii dalka Turkiga. Iminkana uu safarkiisan Caafimaad ku tegi doono dalka Hindiya.
Sidoo kale Booqashaddan, Waxaa qeyb ka ahaa saraakiil Sare oo Xisbiga WADDANI ah kuwaas oo ay ka mid yahiin Guddoomiye ku Xigeen Milgo Maxamed Sanbalooshe, Xoghayaha Ciyaaraha Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase, Guddoomiyaha Degmadda Axmed Dhagax ee Xisbiga WADDANI Siyaasi Maxamed Cali Madoobe , Siyaasi Kayd iyo masuulyiin kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured