TALEFANKII UGU HORREEYEY EE INTERNET HAWADA SARE TOOS UGU XIDHAN.
TALEFANKII UGU HORREEYEY EE INTERNET HAWADA SARE TOOS UGU XIDHAN.
Maalqabeenka caanka ah ee Elon Musk ayaa dhowaan muujiyey in uu diyaar u yahay ka qaybgalka tartanka xooggan ee dhinaca waxsoosaarka talefannada casriga ah, taas oo dad badani ku rejo qabaan in uu kaalmaha ugu horreeya ka geli doono, marka laga qiyaas qaato kaalinta ay shirkaddiisa Tesla kaga jirto waxsoosaarka gaadiidka korontada ku shaqeeya.
Warar hoos u soo baxay ayaa caddeeyey in shirkadda Tesla oo uu maalqabeenkani leeyahay ay isu diyaarinayso soo saarista talefankeedii ugu horreeyey oo aad u casri ah, kaas oo lagu magacaabi doono Tesla Mode Pi.
Warbaahinta Arrimaha teknoolajiyada ka faallooda ayaa heshay Sawirro kala duwan oo muujinaya sida uu u ekaan doono iyo adeegyada uu yeelan doono talefanka cusubi; waxaa ka mid ah, shaashad nooceedu yahay 4K, in uu ku shaqayn doono 5G, ‘Processor’ lix jibbaaran (Octa Core Processor) oo awooddiisu ay tahay ‘Qualcomm Snapdragon 4 nanometer technology, With Adreno 730 GPU’. Kayd gudaha ah (Internal storage) oo qaadaya 2 kun oo GB (2 TB), afar kamaradood oo aasaasiiya oo ah 108 Megapixel (108MP primary quad rear cameras).
Talefankan cusubi waxa uu ku xidhnaan doono internet ka hawada sare ee ay leedahay shirkadda StarLink oo toos uga yimaadda dayaxgacmeed uu leeyahay maalqabeenka Elon Musk, taas oo uu lacag la’aan ku heli doono internet awooddiisa soo dejintu (Downloading) ay tahay 210 MB ilbidhiqsigii. Macnaheedu waa in qofka talefankan isticmaalayaa aanu u baahan doonin shirkad uu internet ka iibsado. Waxyaabaha kale ee uu yeelan doono talefanka cusbi waxaa ka mid ah teknoolajiyada Neuralink oo muhiim u ah dadka dhaawacyada ka qaba maskaxda ee isticmaala talefanka gacanta, si ay uga badbaadaan khatarta ay ku keenayaan talefannada hadda la isticmaalaa.
Waxaa xusid mudan in talefankani uu aad ugu eegyahay talefanka ay shirkadda Apple soo saartay ee iPhone 12, gaar ahaan waxa uu uga muuqaal eegyahay midabbada heerka sare ah, xoodnaanta ku jirta iyo kamaradaha afaran ee dhabarka dambe.
Waxa ay wararka qaar intaas ku darayaan in talefankan cusub ee Tesla uu yeelan doono dahaadh midab sameeye ah oo dusha sare ka marsan, kaas oo awood u leh in uu talefanka hadba midab u beddelo, isaga oo sida jirjiroolaha ay waxyaabaha ka agdhowi saamayn ku yeelanayaan midabkiisa.
Qalinkii Kamaal Marjan Leave a comment |
|
TALEFANKII UGU HORREEYEY EE INTERNET HAWADA SARE TOOS UGU XIDHAN.
TALEFANKII UGU HORREEYEY EE INTERNET HAWADA SARE TOOS UGU XIDHAN.