MUQDISHO: DOORASHO DAAYE MALAHA WAX KALAA KA SALAG LEH. Qalinkii Siyaasi Cali Guray.
MUQDISHO: DOORASHO DAAYE MALAHA WAX KALAA KA SALAG LEH. Qalinkii Siyaasi Cali Guray.
Madaxwayne Farmaajo oo hadda sanad ku darsaday muddadii xilka loo igmaday marka habdhaqankiisa la eego waxa ka muuqata isku kalsooni dheeraad ah oo weliba xad dhaaf ah. Wuxu u muuqdaa in uu yahay nin aan ragba wax iskaga tirinayn.
Sida la og yahay waxa socda doorashadii xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamanka. Ilaa hadda wax waliba waxay u socdaan sidii uu ku talogalay Farmaajo taas oo u suurogelin doonta doorashada lafteeda in aanay jirin saaxad loo siman yahay oo lagula tartami karo. Taas oo hadii ay musharixiinta mucaaridku aqbalaan in ay kula tartamaan ay suurogal tahay in wareega koobaadba uu Farmaajo ku guulaysan karo sadexmeeloodow laba (2/3) codadka Golaha Shacabka oo ah madal loo diyaariyay sidii uu Farmaajo afar sanadood oo kale kursiga Madaxwaynaha ugu sii fadhiyi lahaa. Balse xaqiiqadu waxa laga yaabaa xaqiiqadu in ay noqon doonto si ka fog sida uu malaysanayo Farmaajo marka aynu eegno wajiyada badan ee doorashada iyo duruufaha ku gadaaman oo iyaguna gar iyo gar darro aan u saamaxayn in hal madaxwayne uu kursiga ku negaado muddo 9 sanadood ah. Waayo waxa jira heshiisyo aan qornayn hadana xaqiiqada ka tarjumaya oo lagu soo dhaqmayay balse Farmaajo uu indhaha ka qabsanayo. Hadaba sua’aasha malyuun doolarka ahi waxay tahay Farmaajo ma u suurogeli kartaa in dhib la’aan uu muddo 9 sanadood oo xidhiidh ah Villa Somaliya uga taliyo? Kolay intii uu burburay xukunkii adeerkii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre sodon sanadood ka hor maaha wax ka dhacay Somaliya haddana lagama yaabo in ay ka dhici doonto.
Muqdisho sida ay wax u soo muuqdaan lagama yaabo in ay doorasho heshiis lagu yahay ka qabsoomi karto. Durtaba musharixiinta mucaaridku markay arkeen sida wax loo wado waxay ku dhawaaqeen in ay qaadaceen doorasho aan lagu tartamayn saaxad loo siman yahay dabcan golahan hadda la soo dhoobdhoobayana waxay u arkaan madal loo waabay ama uu keligii waabtay Farmaajo.
Markaa iswaydiintu waxay tahay muxuu noqon doonaa Plan B-ga Golaha Musharixiintu? Waxay u dhawdahay in ay xaaladda gaadhsiin doonaan halkii ay gaadhsiiyeen markii Farmaajo uu Golaha Shacabka ka ansaxsaday muddo kordhin aan sharci ahayn oo laba sanadood ah in kasta oo haddaba uu hal sano oo dheeraad ah qasab ku marsaday in uu kursiga ku fadhiyo isaga oo ah Madaxwayne sharci ah.
Farmaajo itaal meel uu dhigaba lagama yaabo in markan uu dib uga laabto wadada uu sii salaxday ee guusha doorashada waxana siurogal ah in uu isku dayo sidii qasab uu ugu sandulayn lahaa Golaha Musharixiintu in ay ka horbaydhaan wadadiisa uu ku talogalay sidii mar labaad muddo afar sanadood ah uu ugu guulaysan lahaa xataa hadii ay ku kelifayso in xabsiga uu u taxaabo xubnaha ugu muhiimsan qaarkood ama dhamaantood.Wuxu isku halaynayaa ciidamada gaarka ah ee isaga daacadda u ah oo u badan kuwo sigaar ah u tababaran oo Dawladda Turkigu u soo tababartay uguna soo hubaysay.
Midowga Musharixiinta oo inta ugu badani ay ka soo jeedaan degaanka Muqdisho ama reerka Hawiye markaa waddo kale uma furna oon ahayn in ay Ciidamadii Badbaado Qaran dib ugu soo celiyaan Muqdisho.
Farmaajo labadiisii saaxiib ee hore uu heshiiska qarsoodiga ah kula saxeexay Asmara mid waa Abye Ahmed oo isaga tiisii baa cuslaysay. Laakiin waxa laga yaabaa in uu gacan ka heli karo sidii Abye Ahmedba uga helay Cifriid Afwarqe. Markii ugu horeysay wuxu hadda uun cadeeyay in dhalinyaradii warkooda laga la’aa ee Calatariya tababarka loogu diray ay dhawaan Muqdisho soo gaadhi doonaan. Ha yeeshee wuxu muran ka joogaa fadhiisinkii uu ugu talogalay waxa degay ciidan beeleed Habargidir ah oo gaashaanka ku dhuftay in ay agtooda ka soo wareegaan ciidanka cusub ee Calatariya ay soo tabobartay isla markaana soo hubaysay. Waxa la sheegayaa in saraakiil sare oo Calatariyaan ahi in intii muddo ahaydba ku sugnaayeen Somalia, gaar ahaan Muqdisho. Markaa Muqdisho malaha daa doorasho eh wax kalaaba ka salag leh Allah ha sahlo eh Leave a comment |
|
MUQDISHO: DOORASHO DAAYE MALAHA WAX KALAA KA SALAG LEH. Qalinkii Siyaasi Cali Guray.
MUQDISHO: DOORASHO DAAYE MALAHA WAX KALAA KA SALAG LEH. Qalinkii Siyaasi Cali Guray.