"Xasanoow kursi la weeraraa, kursi la weeraro ayuu leeyahay!". Sheeko Xiiso Badan Qalinkii Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.

0
Saturday December 04, 2021 - 21:39:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xasanoow kursi la weeraraa, kursi la weeraro ayuu leeyahay!". Sheeko Xiiso Badan Qalinkii Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.

    "Xasanoow kursi la weeraraa, kursi la weeraro ayuu leeyahay!". Sheeko Xiiso Badan Qalinkii Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xasanoow kursi la weeraraa, kursi la weeraro ayuu leeyahay!". Sheeko Xiiso Badan Qalinkii Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.
"Siyaasigii weynaa ee Xasan Abshir ayaa Ilaahay haw naxariistee beri ayuu xafiis siyaasadeed ka furtay Garoowe. Kolkaa waxa Puntland madaxweyne ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf Ilaahay haw naxariistee. Haddaba Xasan Abshir masaajid u dhow xafiiskiisa ayuu salaadda subax ku tukan jiray ka dibna xafiiskiisa ayuu iman jiray halkaasoo uu siyaasiyiin badan kula shiri jiray. Haddaba dhowr jeer ayuu Xasan Abshir u holadday ama doonay in uu salaadda subax tujiyo oo uu sheekhii masaajidka ka codsaday. Sheekhii masaajidkuna wuu ka dhego adaygay codsigaasi. Maalintii danbe ayuu Sheekhii ka soo yara habsaamay xilligii salaadda subax la tukan jiray. Xasan Abshir oo sida caadaddu ahayd ka mid ahaa dadkii subax walba ku tukan jiray ayaa dadkii masaajidka ku dhiiri-geliyey in ay iska sii tukadaan maadama aanu Sheekhii weli imanin xiligaasi. Wax ay is yara adkeeyaanba waa la aqiimay oo salaaddii waxaa tujiyey Xasan Abshir. Sheekhii ayaa yimid iyaddoo rakcaddii labaad lagu jiro oo jamacii ayuu xagga danbe kaga xidhay kolkuu dhameystayna intuu deg-deg kabahiisii u xidhay ayuu tegay xafiis siyaasadeedkii uu Xasan Abshir ka ag furtay masaajidka. 
Ninkii xafiiska hayey ayuu ku yidhi odaygii baanu balansanahaye  bal ii fur xafiiska. Waa sheekhii masaajidkee waa la aqbalay oo xafiiskii Xasan Abshir ayaa loo furay oo kursigiisii ayaa intuu ku fadhiistay oo isku wareejiyey. Cabaar yar ka dib waxaa soo galay Xasan Abshir oo kolkuu xafiiskiisii soo galay anfariir intuu yaabay ku yidhi sheekhii; "Waar sheikh sowdigan kursigaygii iyo xafiiskaygii fadhiistay!” Sheekhiina isagoon is lurin ayaa wuxuu ugu jawaabay hadal muhiimadiisu ay ahayd; " Xasanoow kursi la weeraraa, kursi la weeraro ayuu leeyahay!”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured