DAGAALKA ITOOBIYA: (Guulaystayaal, Idin Kala Garan Mayno Eh Guulaysta Oo Wada Guulaysta Ama Kala Guulaysta). Siyaasi Cali Guray

0
Wednesday December 01, 2021 - 01:32:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAGAALKA ITOOBIYA: (Guulaystayaal, Idin Kala Garan Mayno Eh Guulaysta Oo Wada Guulaysta Ama Kala Guulaysta). Siyaasi Cali Guray

    DAGAALKA ITOOBIYA: (Guulaystayaal, Idin Kala Garan Mayno Eh Guulaysta Oo Wada Guulaysta Ama Kala Guulaysta). Siyaasi Cali Guray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAGAALKA ITOOBIYA: (Guulaystayaal, Idin Kala Garan Mayno Eh Guulaysta Oo Wada Guulaysta Ama Kala Guulaysta). Siyaasi Cali Guray
Sida uu sheegay RW Abye Ahmed hawlgelintiisa Ciidanka Dawladdu ENDF wax ka badan burburka ku dhacay midnimadii taliska (Unity of Command) ciidankiisa aniga iima sheegayso. Hadii aanay sidaa ahayn waxa jiri lahaa Masaraxa Hawlgelinta (Theator Of Operations) oo uu fadhiisan lahaa si uu uga hogaamiyo hawlgalada dhamaan ciidamadiisa. Hadda dhulka uu meeraysanayo xataa laguma sheegi karo Talis Hore (Forward Command) balse waxa la odhan karaa wuxu ku sugan yahay Bar Hogaamineed marka aynu eego degaanka Canfarta oo Jafra iyo tuulo yar oo ku dhawi ay dib gacanta ciidamada dawladda ENDF ugu galeen, in kasta oo aanay TDF wax difaac ah ka gelin labada goobood ee uu ku faanay Abye Ahmed kuna sheegay guul waawayn uu ka soo hooyay dagaalka. 


Dhinaca kale waxa lagu muransan yahay sababta uu Abye Ahmed uga soo baxsaday Addis Ababa oo ah xaruntiisii iyo dabcan xarunta Taliska Heerka Masraxa (Theater Level Command) ee keenay isaga iyo madaxdii ugu saraysay Ciidanka Dawladda iyo xataa qaar ka mid ah wasiiradiisii ee jiidaha hore isugu wada keenay waxa aynu odhan karno waa bar hogaamin dagaal oo ah goob-dirireed keliya (only one battle field). 

Dad badan oo kuwa dagaalada indhoindheeya ah ayaa isku raacsan in Abye Ahmed markii uu arkay dagaalkii oo soo gaadhay duleedka Addis Ababa uu ka baqay in jabhadda OLA oo iyadu ka soo jeeda qoomiyadda Oromada oo dhinac kasta ku xeeran caasimadda Addis Ababa ay mar keliya si fudud u xidhi karaan dhamaan wadooyinka ka baxa Addis isla markaana ay halis geli karaan duulimaadyada Madaarku. Intaasi hadii ay dhacaan wuu og yahay in hadii aanu ku dhiman dagaalka Addis Ababa, dabcan isaga oo nool gacanta OLA iyo TPLF geli karo. Markaa sida ay dad badani u arkaan Abye Ahmed nin dagaal tegay maaha ee arinkiisu waa baqe carar.

Hadaba dagaalka hadda ayuu hadal joogaa. Abye Ahmed waxa uu sheegay in ciidankiisu uu gacanta ku dhigayo magaalada Gashina oo ah istraataji waayo hadii ay rumawdo markaa ciidamadiisa waxay u sahli kartaa in ay u sii dhaafi karaan magaalooyin muhiim ah oo kale dhinaca degaanka Amxaarada sida Lalibela iyo kuwo kale. 

Taliska Guud ee TPLF ayaa dhinacooda sheegay in ay diyaariyeen qorshe cusub oo ay guluf hor leh maalmahan qaadi doonaan, in kasta oo ay qariyeen halka uu weerarkoodu ku wajahan yahay. Taliye xigeenka OLA ayaa isaguna shaaca ka qaaday in ay weerar ku ekayn doonaan Addis Ababa oo ay ku qabsan doonaan weliba si dhakhso ah.

In kasta oo hanjabaadaha dhinacyada isku haya dagaalka Itoobiya ay badan yihiin, hadana waxay u badan tahay in dagaalkani  aanu ahayn mid si fudud ku soo dhamaan doono oo dhinac uu guul kama dambays ah ku gaadhi doono. Markaa wuu ka dheeraan karaa inta ay filayaan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured