Waxaan halkan ka qirayaa inuu Cabdiraxmaan Cirro badelay siyaasaddii Somaliland. Qalinkii Siyaasi Jamaal Cali Xuseen

0
Saturday November 27, 2021 - 21:22:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan halkan ka qirayaa inuu Cabdiraxmaan Cirro badelay siyaasaddii Somaliland. Qalinkii Siyaasi Jamaal Cali Xuseen

    Waxaan halkan ka qirayaa inuu Cabdiraxmaan Cirro badelay siyaasaddii Somaliland. Qalinkii Siyaasi Jamaal Cali Xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan halkan ka qirayaa inuu Cabdiraxmaan Cirro badelay siyaasaddii Somaliland. Qalinkii Siyaasi Jamaal Cali Xuseen
Maahmaah ay leeyahiin dadka ku nool waddanka Trinidad and Tobago ee ku yaala Jasiiradaha Carribeanka ayaa tidhaahda: " Eat little, and you will live long" taasoo micnaheedu yahay " In yar cun aad in badan noolaatide". Taasoo ka dhigan hadaad dadka wax uga tagto sumcadaadu Waxay noqonaysaa mid weyn oo in badan jirta oo waarta. 
Qofku hadduu la yimaado siyaasad cusub waa loo haneeya Oo lagu hanbalyeeya. Siyaasaddii Somaliland ee khiyaamadda iyo anaaniyadda ahayd wuu ka leexday Cabdiraxmaan Cirro. Maanta isagoo aan kursigii Madaxweynaha fuulin ayuu fuliyey balantii uu la galay laba siyaasi Oo hore Ugu soo biiray xisbiggii uu aasaasay ee Waddani. Midi waa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Oo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay siduu Ugu dedaali lahaa inuu Cabdirisaaq Khaliif ku guuleysto jaggadaasi. Mar labaadkii Wuxuu dhawaan ciyaaray shax siyaasadeed Oo wuxuu gudoomiyihii  xisbigga ku wareejiyey Xirsi Xaaji Xasan. Labaddaba waxaan Ugu hanbalyeeynayaa jagooyinkaa  loo doortay iyo inay la shuraakoobeen hogaamiye Ilaahay ka baqanaya Oo balantii uu la galay sideeddii uga soo baxay isagoon fuulinba kursigii Madaxweynaha.
Somaliland siyaasiyiin badan ayaa u haysta in ay siyaasaddu tahay khiyaamo iyo balan ka bax, laakiin kolka danbe Waxay ku danbeeyaan in ay cidla soo istaagaan Oo aanay cidiba dib u aaminin oo aanay ka biyeysan. Kuwaasina waynu soo aragnay Oo if iyo aakhiraba waxba may dhigan. Murashaxa madaxweynaha ee xisbigga Wadani mudane Cabdiraxmaan waan hanbalyeeynayaa waxaanan leeyahay kursiga Ilaahay baa hayee kolay nin if iyo aakhriba u diyaar garoobay baa tahay, balantii aad ka soo baxdayna kolay bulshadda in badan ayaa qiimeysa qofka kelmadiisa iyo qawlkiisa ilaaliya. 
Shacabku waa in qofka balanta ka baxa ee beenalaha ah aanu yeelan waji danbe ee uu ummadda la soo hor istaago. Indhaha waa in la furo, siyaasadana la furfuro Oo sharciyadda dalka la dhowro Oo xisbiyadda xilligooda la doortay ee 10 ka sanadood aanay dhaafin. Haddii kale dimuqraadiyadda aynu ku faanayna Waxay noqonaysaa hal bacaad lagu lisay. Kolay markaan dalka dib Ugu soo noqdo ayaan waxyaabo badan si qoto dheer uga hadli doonaa maadama aan in badan ka aamusnaa arrimaha siyaasadda. Kheyr Baan u rajaynayaa shacabka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured