DAGAALKA ETHIOPIA EE U DHAXEEYA HUWANTA XOOGAGA TIGRAY IYO JABHADII OROMADA OO DHINAC AH IYO DAWLADDA ETHIOPIA OO DHINAC AH. Qalinkii Mohamed Dhimbiil

0
Thursday November 25, 2021 - 01:14:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAGAALKA ETHIOPIA EE U DHAXEEYA HUWANTA XOOGAGA TIGRAY IYO JABHADII OROMADA OO DHINAC AH IYO DAWLADDA ETHIOPIA OO DHINAC AH. Qalinkii Mohamed Dhimbiil

    DAGAALKA ETHIOPIA EE U DHAXEEYA HUWANTA XOOGAGA TIGRAY IYO JABHADII OROMADA OO DHINAC AH IYO DAWLADDA ETHIOPIA OO DHINAC AH. Qalinkii Mohamed Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAGAALKA ETHIOPIA EE U DHAXEEYA HUWANTA XOOGAGA TIGRAY IYO JABHADII OROMADA OO DHINAC AH IYO DAWLADDA ETHIOPIA OO DHINAC AH. Qalinkii Mohamed Dhimbiil
Dagaalka ay ku wada jiraan dawlada Ethiopia iyo xoogaga difaaca qoomiyada Tigray waxa uu ka socdaa sadex dhinac oo kala dhinaca gobolka Amxaarada dhexdiisa , dhinaca bari ee Gobolka Canfarta oo ay rabeen in ay jidka Djibouti iyo Ethiopia jidgooyo ku sameeyaan iyo dhinaca wajahada Addis-Ababa ee wadada Ilaa mekele ka timaada 
Xoogaga Tigray ee jooga Sina Birhan iyo dawlada Ethiopia oo dhufeys ka gashay buuraleyda Debra Birhan ayaa ah dagaalka fool ka fool dawlada federaalka Ethiopia iyo xoogaga xulafada oromo iyo Tigray ay ka soo galeen iyaga oo marba magaalo qabsanayey.
Waxaa la saadaalinayaa hadii xoogaga jabhada oromadu aaga Debra Birhan caawimo xoogan siiyaan TDF waxaa toos loo imanayaa Addis-Ababa , oo hadda loo jiro ilaa 186km , labada ciidan ee is waajahayaa way kala khibrad , adkaysi iyo waayo aragnimoba badan yihiin sida ay doonaan ha u kala xoog waynaadaan e .
Caasimada Ethiopia ee Addis-Ababa ayaa ay safaaradaha aduunku diblomaasiyiintii ka baxeen waliba isaga oo wadan waliba in uu dadkiisa ka saaro Ethiopia ku qarwaya ilaa hadda ,  waxaana iska soo daba dhacaya waanooyin iyo digniin beesha caalamku ujeedinayso maamulka Abiy Ahmed iyo xoogaga ka soo horjeeda oo labaduba dhegaha fureystay, wadahadalo la furayna qabsaday shuruudo aad u kala fog.
Waxaa la galay xili adag oo xukuumada Ethiopia ku baaqday in shacabku hub ka qaataan oo ay dalkooga difaacaan , waxaaba ay u soo sansaan eeg tahay markii Somalia 1991kii hubkii dadkii shacabka ahaa gacanta u galay ee ilaa maanta dabkiisii la damin laayahay lagana dhigi kari laayahay dadkii shacabka ahaa.
Waxa werwer wayn laga qabaa xaaladaha uu gobolku guud ahaan ku jiro oo aan wanaagsanayn marka laga soo bilaabo Sudan , Ethiopia, Somalia oo gashay doorasho iyo xili xasaasi ah , Erateria oo qaadi kari la maamulka Assiase Afawerki oo madaxa kaga taagnaa dadka reer Erateria 30 kii sanadood ee ugu dambeeyay ,  Djibouti lafteeda ayuu guuxa isbadel doon ku ka socdaa oo hoosta ka shuuqeysa , gobolka dal nabdoon oo wax qurux badan qabsaday jamhuuriyada Somaliland ayaa jirra.
Xaaladaha guud iyo ta Ethiopia ba waxa ay warwar ku hayaan mandaqada bariga Africa oo dhan oo hadii Ethiopia wax wayni gaadhaan ay dawldaha la jaarka ah oo dhan laga yaabo in uu ququlka qaxootiga , qoriga gacanta shacabka galay iyo qoomiyadaha isku goodiyayaa in ay isla soo galaan dawladaha gobolka Geeska Africa oo dhan , gaar ahaan kuwa bada cas kulaalaya , waana arin halisteeda iyo sidii looga hortagi lahaa ay tahay lagama maarmaan xiligani.
Mohamed Abdi Jama 
Mohamed Dhimbiil



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured