"Madaxweyne Muuse waan uga Mahadcelinayaa inuu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona". Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro

0
Monday November 22, 2021 - 01:24:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweyne Muuse waan uga Mahadcelinayaa inuu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona". Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro

    "Madaxweyne Muuse waan uga Mahadcelinayaa inuu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona". Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne Muuse waan uga Mahadcelinayaa inuu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona". Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa(xogreeb.com)-Musharaxa madaxwayne ee xisbiga wadani Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi ciro oo dalka dibadiisa ku qabaan jawaab kulul ka bixiyay hadalo madaxwayne biixi maalintii shalay ku weeraray xili uu ka hadlayay xadhig ka jarka madaarka berbera.

Musharax cabdiraxmaan cirro ayaa qoraal uu kaga jabwaabayo hadal madaxwaynaha ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada wuxuna udhignaa Sidan;


HALKAN KA AKHRI WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

"Madaxweyne Muuse waan uga mahadcelinayaa in uu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona, muddo 4 sanno ah oo aad Madaxweyne Qaran ahayd ka bacdi, khubadaaddii shalay waxa ay Shacbiga tustay in aad weli joogto Xaruntii Xisbiga KULMIYE ee aad Guddoomiyaha ka hayd, kana korin shirarkii jaraa’id ee aad suuqa ku qaban jirtay.

Shacabku waxa ay kaa filayeen in aad si weyn uga hadli doontid arrimaha geeska, dhaqaalaha dalka, maciishaddan qaaliga ah, siyaasadda gudaha & dibedda, iyo arrimaha Doorashooyinka. Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay.

Waxa aan ahay shakhsi aqoon u leh arrimaha Dawladdnimada mana ihi nin ku xad-gudba sharafta Madaxda, waxaas’e yaab Umadda iyo annigaba ku noqotay in aanad hal mar xusin Madaxweyne Siilaanyo shacabkana aanad dib u xassuusin in libinta Madaarka Berbera uu isagu lahaa. Xisbi ahaan marnaba maanu diidaneyn wixii Qaranka u soo kordha ee waxa aanu diidaneyn qaabki Xisbigaaga KULMIYE u qardo jeexayey ee baal-marsaneyd sharciyadda dalka.

Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured