Aammusiintii Wasiirka Igu Ooyay: Xadhiggaygii 16ka Cisho (24.10.2021-08.11.2021) Qaybta 3aad. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

0
Monday November 15, 2021 - 21:58:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aammusiintii Wasiirka Igu Ooyay: Xadhiggaygii 16ka Cisho (24.10.2021-08.11.2021) Qaybta 3aad. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

    Aammusiintii Wasiirka Igu Ooyay: Xadhiggaygii 16ka Cisho (24.10.2021-08.11.2021) Qaybta 3aad. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aammusiintii Wasiirka Igu Ooyay: Xadhiggaygii 16ka Cisho (24.10.2021-08.11.2021) Qaybta 3aad. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.
Doorkii Wasiir Toorno Ee Xadhigga, Wareejintii Saldhigga Dhexe iyo Ballantii Imaatinka Taliyaha Booliska ee Banjartay.
Aniga oo deggenaan dareemaya markii la iga saaray qolkii cidhiidhiga ahaa; aminihii laga baxay salaadda gabbaldhaca, ayaa la yidhi "Siciid mee?”
"Waykan” baa aan idhi
"Soo bax” baa la yidhi
"Maxaa jira?” baa aan idhi
"Taliyihii Booliska ayaa yidhi iigu keena ama keena saldhigga dhexe” ayaa la yidhi
Taleefankii Taliyaha ayaa haddana soo dhacay, waxa la yidhi "Ma soo baxdeen?” "Waannagan wadna hawshiisa” ayaa la yidhi. Waxa la raadiyay kabahaygii iyo suunkii. Cabbaar ayaa la goobayay silsilad gaaban iyo qufullo gacmaha la igaga jeebbeeyo. 
Baadhe Farxaan oo macmalka kiis-beenaadka ku qornaa ayaa yidhi "Xaggee la geynayaa?” Sidii nin aan qaadista raalli ka ahayn ayuu ahaa, waana markii kowaad ee aan arko. 
"Taliyaha Guud ee booliska ayaa amray in la qaado” ayaa la yidhi. Wadaha mooyee illaa 4 askari oo Taliyihi ku jiro ayaa ila fuushanaa gaadhiga nala haaday, oo aan ahayn gaadiidka booliska, shidaalka ayay ku shubteen. Waxa aan kadinka ku arkay Maxamed Yuusuf Soofe oo aan adeer u ahay "Hawsha hoos u dhig” ayaa uu yidhi. "Dhankayga uun maaha. Dhinaca kale ka wardoon, iyaga ayaa wax xidhay” baan idhi. "Haye” ayuu yidhi. Mar labaad ayuu Taliye Dabagale soo wacay Hugur. "Halkee ayaa aad maraysaan?”. "Jungalka” "soo dhakhsada”.
"Wasiirka ayaa iigu yimi Saldhigga Maxamed Mooge, aadayna Qaybta Bariga, isla markaana tegay Xeerilaalinta isaga oo raba in lagu xidho. Anigu waa aan diiday oo ma haynnin xeer lagu qaado qof wax ku baahiyay Facebook. Sidaas ayaa laguu soo qabtay. Is-deji, wixii inna dhex maray waa saamax” ayuu waayeelnimo u lahaa Taliye Hugur. 
Wasiirka ololahaas ku jiray ee intaas oo xafiis cagta mariyay ayaan haddana 1 qof u qiran inuu xadhiggayga ka dambeeyay. Wax bog iyo baabbaco leh oo marsiin kara shirqoolkiisa lama hayo. Hadduu qiran waayo, waa utun iyo aano u taalla isaga iyo waxa ku abtirsada. Cid aan ciddidaas uskaggeeda ka dhaafayo oo aan iga codsani ma jirto.
Taliyaha Qaybta Bariga Hargeysa Gaashaanle Mursal Warsame Sugulle oo aanu isku macallimiin ahayn ayaa bixiyay amarka xadhiggayga.Taliyaha Guud ee Boolisku waxa uu cawaysnimada kula shiraa saraakiisha booliska Saldhigga Dhexe ama C.I.D in uu halkaas joogo oo na sugayo ayaan moodayay. 
Waxa hor fadhiyay Gaashaanle Axmed Cabdi Daahir Aw Libaax (Dacawo) Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Hargeysa; oo inahan la is weydaarsaday:
 Ninkani muxuu ahaa?
 Waa maxbuus
 Halkee laga keenay?
 Maxamed Mooge
 Muxuu sameeyay?
 Taliyaha Booliska ayaa yidhi saldhigga dhexe geeya.
Dharkaygii buu indhaha ku biniiniyay "Ma xammaal baa?” baa uu yidhi. "Maya” ayaa la yidhi. Ficil jidh ahaaneed oo u dhigma "Maxaa kaa khuseeya?” ayaan gacmaha iyo wejiga ugu fool-dadab iyo gaco-wareejin ugu muujiyay. "Dharka ka beddela” ayuu yidhi. 


Waxan u qaatay in uu leeyahay ‘’maryo caynkan ah lagulama kulmo Taliyaha Guud ee Booliska ee ninkan qurxiya’’. Waxan idhi "Masaajid ma tegaynnin; ee markii saldhig la iiga yeedhay kuwan ayaan xidhay. Xaggee ayaa aan isu qurxiyaa?”. 

Gudaha ayaanu galnay waxaana la igu yidhi "Nadaafadda saldhigga waanu hagaajinnay. Maxaabiista laga keeno saldhigyada kale waxa ay soo qaadi karaan dukhaan aanu cidhib tirnay, waa in dharka lagaa beddelo”. Waxan idhi "Dee guriga i geeya aan dhar ka soo qaato iyada oo aanan hu’ haynnin kayga ma bixin karo”. Aniga oo is-giijinaya ayuu mid laxay ahi doonay inuu dharka igu dhego, waa aan iska caabbiyay.
Maxaabiistii ayaa macawis iigu qaadhaantay, madaxa baadhistuna garan waafi ayuu iigu tabarrucay. Inta aan labadii xidhay ayaa kuwaa kuwaygii bac la geliyay. Farxaan oo ahaa baadhaha kiiskaygu wuxuu warqad yar igaga qoray gudaha saldhigga dhexe, suulka ayaanu ii saaray. 
Waxa dhabannahays ahaa in dhibanne iyo dhibban lagu sheego wiil iyo gabadh uu Wasiir Toorno abti u ruma u yahay oo midkood dil iigu wacadmaray, ta kalena ay si aan aadame loo caayin ay ii aflegaaddaysay. Inuu yahay wanjal dhutinaya ayaan dhaaday. Waa la dhoobdhoobay. Ku darso oo Baadhe Farxaanna waa xigaalkii dhawaa ee Wasiir Toorno.
Sidii ayay kuwii M.Mooge ku dhaqaajiyeen, iyaga oo ku jihaysnaa maxaabiis ay ka soo qaadayeen laanta dembi-baadhista, oo la iigu wareejiyay saldhigga dhexe. Anigu waxan filayay in Taliye Dabagale uu salaadda cawaysnimo ku jiro oo aan is arkaynno marka uu idlaysto. Laakiin gudaha ayaa la igu hubsaday. 
Dhiska maxaabiistu wuxuu u qaybsamaa daaradda, qayb woqooyi iyo qayb koonfureed. Haddii aan codsaday inaan daaradda joogo, waxa la ii diray qaybta woqooyi. Intii aanan gelin waxa ay maxaabiistu ii sheegeen in lagu lahaa "Waa qaran-dumis. Ka digtoonaada.”
Caw hun ah baa la ii dawaray oo la ii dhigay halka albaabka u dhaw ee qolka 2aad, haddana xagga gudaha u shishaysa ayaa la ii raray, iyadoo la leeyahay "albaabka waxa ka soo gasha kaneeco”. Halkii ayaan is-duubay. Ma haysto caw, go’ iyo buste. 
Anigoo gamaarsan ayaa la yidhi "soo saara Siciid”. Waxa la ii geeyay Taliye Dacawo oo markaas loo soo diray maqaal aan warbaahinta u mariyay Taliyaha Guud ee booliska, waxa uu yidhi "Ma adiga ayaa qoray?” "Haa” ayaa aan idhi. 
Talooyin sharci iyo hogatus buu igu kabay. "Caawa ama berri ayuu kuu imanayaa Taliyaha Guud ee Boolisku. Waxa suurtagal ah in markaas lagu sii daayo. Si fiican noola joog” ayuu yidhi. "Hawraarsan” ayaan idhi. Haa, ugu yaraan ninkaygii xammaalka la moodayay imaka waxa la garanayaa inaan wax qorqoro. Waxa aan codsaday in la ii waco walaalkay oo ii keenay casho, caw iyo go’. 

La soco qaybta 4aad insha Allah


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured