SIDEE AYEY KU YIMAADEEN TODDOBADA GOBOL EE MAGACAABAN WALINA AAN GOLAHA XEER DEJINTU ANSIXININ?.Qalinkii Mohamed Dhimbiil

0
Friday November 12, 2021 - 02:08:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIDEE AYEY KU YIMAADEEN TODDOBADA GOBOL EE MAGACAABAN WALINA AAN GOLAHA XEER DEJINTU ANSIXININ?.Qalinkii Mohamed Dhimbiil

    SIDEE AYEY KU YIMAADEEN TODDOBADA GOBOL EE MAGACAABAN WALINA AAN GOLAHA XEER DEJINTU ANSIXININ?.Qalinkii Mohamed Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIDEE AYEY KU YIMAADEEN TODDOBADA GOBOL EE MAGACAABAN WALINA AAN GOLAHA XEER DEJINTU ANSIXININ?.Qalinkii Mohamed Dhimbiil
March 22 2008 ayuu madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin xeer madaxwayne ku soo saaray 6 Gobol iyo 14 Degmo galinkii hore ee maalintaasi  isaga oo galinkii dambena ka daba keenay gobol kale , sidaasina waxaa uu ku sameeyey digreeto xeer madaxwayne ah 7 Gobol iyo 14 degmo oo cusub.
Waxa uu ahaa xili xasaasi ah oo uu taagnaa kaambaynkii doorashada iyo loolankii axsaabta siyaasada ee Kulmiye , Udub iyo Ucid , waxaa cirka ku shareernaa siyaasada dalka , xisbiga kulmiye oo markaasi ahaa xisbi shiraban oo qoorweyntii siyaasada,  mujaahidiintii halganka aqoonyahankii iyo waxgaradkii ku urureen oo uu hor kacayo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo doobyaya ayaa gilgilayey xisbul xaakimkii Udub.
Waxaa loo arkay in ay yihiin gobolada cusubi gobolo lagu doonayo codka doorashada,  xiligaasi oo ay dhaweyd doorashadii madaxweynaha ee dhawrka goor dib u dhacday , waxaana ay noqotay meel aanu mucaaridkiina diidi karin maadaama uu cod rabo muxaafidkiina u badheedhay in xiligaasi badka keeno gobolada iyo degmooyinka cusub.
SHURUUDAHA GOBOL AMA DEGMO CUSUB LAGU MAGACAABI KARO ;
Waxa ay yihiin sida ku cad Qodobka 7aad ee xeerka is maamulka gobolada iyo degmooyinka xeer lr 23 oo ah ;
1- Baaxada dhulka ay ku fadhido
2- miisaanka iyo baaxada dadweynaha deegaanka ku nool .
3- wax soo saarkeeda iyo khayraadkeeda dabiiciga ah ee ay leedahay. 
4- isku filaanshaha adeegyada bulshada ee degmadu waa in ay hanan kartaa 60% miisaaniyadeeda ugu yaraan.
Isla qodobka 8aad ee xeerkaasi ayaa leh isna sida tan ; 
Faah-faahinta shuruudaha qiimeynta ee lagu magacaabi karo gobol ama degmo ee ku qoran qodobka 7aad faqeadiisa 1aad,2aad,3aad iyo 4aad wasaarada arimaha gudaha ayaa ku soo diyaarinaysa xeer sharaxaya waxaanay u gudbinaysaa golaha wasiirada waxaana ansixinaya labada gole baarlamaan ( Guurtida iyo wakiilada ) sida ku cad dastuurka qodobkiisa 109aad faqradiisa 3aad.
Haddaba ma loo eegay shuruudahani goboladaasi iyo degmooyinkaasi xiligii la magacaabay ? Waa su'aal u baahan isweydiin iyo in jawaab loo helo .
Maanta dalku waxa uu ku shaqeeyaa 6 Gobol iyo 23 degmo oo xataa doorashooyinka lagu galaa , waxaa aan la ansixinin 8 gobol iyo 77 degmo oo dalka jamhuuriyada Somaliland ah , waliba u baahan kala xadeynta gobolada iyo degmooyinka si waafaqsan dastuurka dalka iyo xeerka gobolada iyo degmooyinka xeer lr 23 , hawlahani oo dhami waxa ay u yaalaan qaranka oo ay xukuumadu ugu horeyso.
MAXAA DHALIIL KA SOO BAXAY GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA CUSUB EE XUKUUMADIHII KALA DAMBEEYEY SAMEEYEEN ?.
Waxa ka soo baxay dhaliilo waaweyn oo ay ka mid yihiin
1- qaar qaranka ku ah qoqob iyo kala gurid dadka jamhuuriyada Somaliland oo gobolo badan oo haybta ama qabiilooyinka waaweyn ee dalku isku dhex deganaa waa la kala guray , xaga degmooyinkana jufo waliba tuuladeedii ayaa degmo looga dhigay.
2- Dhaqaale la'aan soo food saartay degmooyinka maadaama aan shuruudaha loo eegin oo sababtay in dawlada dhexe ay kab dhaqaale ku bixiso degmooyinka oo dhan si adeegyadii dadku u baahnaa looga hirgaliyo.
3- Kharash iyo xilal hadh beelay oo u baahan in degmo waliba ka hesho miisaaniyada dawlada dhexe mushaharka xubnaha fulinta , gaadiid , shidaal iwm .
4- Degmooyinkii oo ah qaar isku wada muuqda oo aan badhkood xataa tuulooyin u dhaxeyn ileyn waxa lagu bixiyey nidaam siyaasadeed e .
XALKA IYO MUSTAQBALKA 
Somaliland ilaa maanta waxa ay ku shaqeysaa 6 dii degmo ee 26 June 1960 oo gobolo laga dhigey iyo 23 degmo oo hoos yimaada , sida ay u kala xadeysan yihiin waa sidii 1960kii marka laga reebo goboladii ay dawladii soomaaliya sameysay badhtamihii sanadkii 1980skii oo iyaguna xuduudkii iyo xadadkii la sameeyey ilaa maanta dhibaatooyin ka taagan yihiin.
Markaa xalka mustaqbalku waa in uu noqdaa mid dalka iyo goboladiisa dhamaantood dib loo eego oo xataa si sidan ka duwan oo ka wanaagsan loo sameyn karo , badhkood la isugu dari karo qaarna loo baabiin karo laakiin waa in la helaa dawlad leh awoodeedii oo hirgalisa .
Imika laakiin arimaha la qaban karaa waa in horta degmooyinka iyo gobolada magacaaban ee aan goleyaasha xeer dejintu wali ansixin in qiimeyntoodii ay xukuumadu sameyso oo intii shuruudaha xeerka buuxisa u gudbiso golaha wasiirada si goleyaasha xeer dejinta loo horgeeyo , waliba laga ilaaliyo qaab kaambayn iyo caadifadeed oo mustaqbalka dalka iyo xuquuqda goboladaasi iyo degmooyinkaasiba wax u dhimi karta.
Golaha wakiiladu waa in uu si miyir qabta oo wadaniyad leh u raacaa xeerka iyo dastuurka qaranka oo aanay siyaasadeyn gobolada iyo degmooyinka la horkeeno si aanay xuquuqda uga qaadin gobol ama degmo sidoo kale xuquuqo dheeraad ahna u siinin gobolo iyo degmooyin kale iyaga oo ka eegaya xaga goboleysiga , siyaasada iwm.
Mohamed Abdi Jama 
Muxamed Dhimbiil 
Mohamed Dhimbiil



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured