Fadeexado Musuqmaasuq oo Dul-hoganaya Xoghayaha Xisbiga Waddani. Qalinkii Muuse Xasan "Muuse Wayeel"

0
Tuesday October 26, 2021 - 16:26:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexado Musuqmaasuq oo Dul-hoganaya Xoghayaha Xisbiga Waddani. Qalinkii Muuse Xasan "Muuse Wayeel"

    Fadeexado Musuqmaasuq oo Dul-hoganaya Xoghayaha Xisbiga Waddani. Qalinkii Muuse Xasan "Muuse Wayeel"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexado Musuqmaasuq oo Dul-hoganaya Xoghayaha Xisbiga Waddani. Qalinkii Muuse Xasan "Muuse Wayeel"

Xogo qarsoon oo aan hore u soo shaac baxin, ayaa sheegaya in Xoghayaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI uu wakhtigii ololaha Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada ee Soomaaliland uu jeebka ku shubtay lacagahii looggu talo-galay muraaqibiinta ee laga qaaday Musharaxiintii Xisbiga uga tartamaayey Doorashooyinkaasi.

Ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xisbiga WADDANI balse sida ilo-wareedyadu caddeeyeen, ayaa sheegaya in koox shabakad ah oo isku xidhan oo uu hor-gale u yahay Xoghaye Khadar in ay isbaarooyin u dhigteen lacagtii laga qaadayey Musharaxiinta Xisbiga ee looggu talo-galay muraaqibiinta, waxaana marar kala duwan dhacay in xarunta Xisbiga ay soo buux dhaafiyeen muraaqibiin tiro badan oo ka cabanayey in aan la siinin wax lacag ah iyada oo la arkaayey in kooxdan qawlaysatada ah ee afka u dhigatay lacagtii muraaqibiintu inay ka carareen Xarunta Xisbiga,isagoo muddo aan tagin xarunta Xisbiga,isla markaana albaabada u xidhay xarunta Xisbiga, kaas oo muddo kadibna u dhoofay dalka ingiriiska ilaa inta ay xaaladu degayso,


Lacagta Muraaqibiinta looggu talo-galay ee la dhacay, ayaa wuxu cadadkeedu ku dhow yahay $150,000-dollar (Boqol iyo kontan kun oo Dollar) taas oo laga soo qaaday Murashaxiintii isku sidkanaa ee Xisbiga uga tartamaayey guud ahaaan dalka oo tiradoodu dhammeyd . Waxaana shaxda hoos ku xusan ay innoo caddeynaysaa cadadka lacagta, tirade murashaxiinta iyo goballada ba.

Gobolka Maroodijeex Lacagta laga qaaday Musharraxiinta $ 32,400

Gobolka Awdal Lacagta laga qaaday Musharraxiinta $ 20,700
Gobolka Saaxil Lacagta laga qaaday Musharraxiinta $ 11,700
Gobolka Togdheer Lacagta laga qaaday Musharraxiinta $24,600
Gobolka Sanaag Lacagta laga qaaday Musharraxiinta $ 21,600
Gobolka Sool Lacagta laga qaaday Musharraxiinta $ 21,600

Si kastaba ha-ahaatee Xoghayaha ku meel gaadhka ah ee WADDANI ayaa dhammaan lacagahaas ku shubtay jeebkiisa,waxaana xusid muddan in lacagaha musharraxiinta degmooyinka Gobollada aananu ku darin liiska,hasayeeshee keliya aanu soo qaadanay lacagihii laga qaadayey Musharraxiinta Golaha Wakiillada ee lixda Gobol iyo Lacagaha laga qaaday Musharraxiintii Golaha degaanka ee lixda Magaalo ee waa weyn eeHargeysa, Boorama, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo Laascanood.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured