Xisbi Xaakimka Kulmiye Oo Hargeysa Ka Bilaabay Shirdoceedyo, Dib-ucurasho Ah!

0
Tuesday October 26, 2021 - 02:14:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbi Xaakimka Kulmiye Oo Hargeysa Ka Bilaabay Shirdoceedyo, Dib-ucurasho Ah!

    Xisbi Xaakimka Kulmiye Oo Hargeysa Ka Bilaabay Shirdoceedyo, Dib-ucurasho Ah!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbi Xaakimka Kulmiye Oo Hargeysa Ka Bilaabay Shirdoceedyo, Dib-ucurasho Ah!
Hargeysa(xogreeb.com)-In ka baddan Afartan, Caaqil oo kasoo jeeda Ardaaga Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa, Maanta Kulan Qaddo  ah loogu Qabtey Huteelka Baraar ee Caasimada Hargeysa, kaasi Oo ujeedadiisu Daarnayd xodxodasho Siyaasadeed, oo ku Wajahan odoroska Damaca Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku doonayo,inuu ku baadi doono markale Taageeradii xisbiga kulmiye Oo Markii la doortay 2017 oo banaanka kaga tahay,
Talaabadan, Loogu yeedhay Cuqaasha ka badan Afartameeyaha Ee Maanta lagu Martiqaaday Baraar Huteel, oo hordhac u ah Shirdoceedyo Dib-ucurasho ah oo Xisbiga Kulmiye indhawaale ka Wadey, Caasimada Hargeysa kuwaasi oo kasoo bilaabmey Dhinaca Koonfurta Hargeysa, iyadoo Kulanada noocan ahi Ku Xidhiidhsan yihiin Odoros Siyaasadeed ee loogu Xudun Xidhayo Doorashada soo Socota ee Madaxtooyada, oo Maalmihii u Dambeeyay Damac Weyni soo Hoomaayay  Madaxweyne Muuse Biixi oo ugu diyaar garoobaya, dhaqdhaqaaqan Shanta Sanno ee Soo Socota, Taageero uu ka helo Dhinacyadii ku Taageeray Doorashadii 2017kii, Waxaana Ururinta Cuqaasha looga Wareegay in uu Madaxweynuhu Uga Wareegay Salaadiinta oo aanu Deyrtan u baahnayn.
Sidoo kale waxaa kulanka cuqaasha goob joog ka ahaa masuuliyiin xukuumada madaxwayne biixi katirsan gaar ahaan xubnaha wasiirada ee jufadiisa (sacad muuse) oo ay gadhwadeen ka ahaayeen wasiirada macdanta iyo tamarta,Isgaadhsiinta, Wasiir kuxigeenka waxbarashada, Mareeyaha wakaalada biyaha hargaysa Iyo gudoomiyaha komishanka tamarta.
Kulanada Dibucurashada Kulmiye ayaa lagu Waddaa Maalmahan, in ay Halkaa kasii Socon Doonaan iyadoo lagu bilaabay Cuqaasha Beelaha Subeer Awal, oo ay Hormood uga yihiin ololaha Arintan Wasiiro Katirsan Xukuumadiisa oo ay kamid yihiin wasiiro Iyo masuuliyiin kale.
Xigasho 
WAJAALENEWS



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured