Madaxweynaha JSL oo Madaxtooyada Kulan ugu Qabtay Guddiyada Isku Khilaafsan Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse iyo Guddi Xalinta Khilaafyada oo La Xulay... Shirka oo la filayo inuu Qabsoomo November...
Madaxweynaha JSL oo Madaxtooyada Kulan ugu Qabtay Guddiyada Isku Khilaafsan Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse iyo Guddi Xalinta Khilaafyada oo La Xulay... Shirka oo la filayo inuu Qabsoomo November...
Hargeysa(Xogreeb.com)-Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa shabakada Wararka ee Xogreebnews u xaqiijiyey in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Madaxtooyada isaggu keenay garabyada guddiyadda Beelweynta Ciise Muuse oo isku khilaafsanaa qabaashada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse.
Madaxweynaha ayaa la qaatay in Beeshu xaq u leedahay inay shir danahooda ku saabsan qabsanaay, balse waxa uu labada garab ka codsaday in midow Lagu qabto, isla Markaana intaa ka horaysa mudada shirka ka hadhsan la dhameeyo guddiyada Beelaha Ciise Muuse, gaar ahaan Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse ee Kulan Global iyo Guddida Dan iyo Duco.
kulanka labada guddi ee Beelaha Ciise Muuse, ayaa waxa si weyn uga dhex shaqeeyey isu-soo dhoweyntooda masuuliyiin xilal haya iyo Madaxweynaha, waxana kamid ahaa Sida Wararku Sheegeen Maareeyaha Dekedaha JSL.
kulankan ayaa u Madaxweynuhuu ugu heshiisiiyey labada Dhinac ee guddiyada kala ah Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse iyo xubno kamid ah guddiyada Dan iyo Duco, waxana halkaa guddi uu dhammaynta khilaafka u Saaray saddex xubnood oo isku soo dhoweyn iyo heshiiska sii wanajin doonta, waxana kamid ah xubna haldoorka iyo Madax-dhameedka isaggu jira ee Madaxweynuhuu u gartay in Shirkana Beeshu qabsato, wixii khilaaf ah si sulux ah Lagu dhameeyo Mujaahid Ibraahim Cabdilahi Dhego-weyne iyo Cheif Caaqil Axmed Caaqil Yare iyo Caaqil Cumar Jaamac Cilmi.
Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse, ayaa la filayaa inuu qabsoomo Badhtama bisha fooda inagu soo haysa ee November. Leave a comment |
|