Fly Dubai Oo Joojisay Duulimaadyadii Ay Ku Iman Jirtay Somaliland Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedada Ka Danbaysa!

0
Saturday October 23, 2021 - 00:43:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fly Dubai Oo Joojisay Duulimaadyadii Ay Ku Iman Jirtay Somaliland Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedada Ka Danbaysa!

    Xogo Dheeraada Oo Laga Helayo Sobobta Ay Fly Dubai Ujoojisay Duulimaadyadii Ay Ku Iman Jirtay Hargaysa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogo Dheeraada Oo Laga Helayo Sobobta Ay Fly Dubai Ujoojisay Duulimaadyadii Ay Ku Iman Jirtay Hargaysa!
DUBAI(Xogreeb.com)-Shirkada  Diyaaradaha Ee FLY Dubia ayaa  si Rasmiya u Joojisay Duullimaadyadeeda ay ku iman jirtay caasimada Somaliland ee Hargeysa laga bilaabo khamiista todobaadkan.
Go,aankan Ay Fly Dubia Ku joojisay Duulimaadyadeedii Hargaysa ayaa la sheegay in ay yimaadeen markii xukuumada Somaliland ku wargalisay  In laba maalmood ku iman karto duulimaayadeeda Madaarka Hargaysa todobaadkii, iyadoo hore u iman jirtay Sedex maalmood taasi oo sida wararka laga helayaa tibaxeen ay keentay duulimaadyada imanaya garoonka Cigaal Awgeed oo xiligan culays badani ka jiro.
Sidoo kale wararka laga helayo go,aanka ay Fly dubai ku joojisay duulimaadyadii garoonka cigaal International ayaa daboolka ka qaaday in ay la xidhiidho arimo siyaasadeed oo dabada ku hayo xubnihii siyaasiyiinta ahaa ee shirkadan dalka keenay ismarkaana saamaynta ku ku leh arimaheega oo wakhti xaadirkan xukuumada madaxwayne biixi iyo xisbigeeda kulmiye kazoo horjeestay lafilayo In ay dhawaan ku biiraan xisbiga wadani, kuwaasi oo iyagu dabada ka riixaya go,aanka ay ku joojisay duulimaadyadeeda hargaysa, taasi oo keentay in maamulka fly dubai ay qaataan go,aanka ay ku joojiyeen duulimaayadii Hargaysa.
Shirkada Fly Dubai ayaa waxaa Somaliland keenay Wakiilkii hore ee Somaliland ufadhiyay Emaaraadka Amb baashe cawil iyo siyaasi maxamuud xaashi oo wakhti xaadirkan uguuraya xisbiga wadani.
Shirkada diyaaradaha ee fly dubai ayaa  dhawaan uun xukuumadu u ogolaatay in ay somalilland dib uga bilowdo duulimaadyadii ay ku iman jirtay, kadib markii laga joojiyay taasi oo ay keentay markii ay ka hor timid qawaaniinta Somaliland una hogaansantay awaamiirta maamulka somaliya, 
Go,aanka ay fly dubai ku joojisay duulimaadyadii ay u iman jirtay Hargaysa ayaa saamayn ku yeelanaya boqolaal qof oo kamidah rakaabka diyaarada, kuwaasi oo haystay tigidha safarka ee Fly dubai taasi oo khasaare balaadhan ku keenaysa macaamiisheeda, halka talaabada ay ku joojisay duulimaadyadeeda ka danbayso lala xidhiidhinayo in uu yahay mid siyaasadeed balse aanu ahayn cadaadis kaga yimid xukuumada Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured