Shaqaalaha Xisbiga WADDANI Oo Ku Milmay Xukuumadda KULMIYE Iyo Halista Xidhiidhada Noocan Ah. Qalinkii Muuse Xasan "Muuse Wayeel".
Shaqaalaha Xisbiga WADDANI Oo Ku Milmay Xukuumadda KULMIYE Iyo Halista Xidhiidhada Noocan Ah. Qalinkii Muuse Xasan "Muuse Wayeel".
Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo masuuliyiintiisa qaarkood lagu xanto inay ku milmeen Xukuumadda KULMIYE ayaa toddobaadkan waxa soo shaac baxday arrin yaable,taas oo caddaysay in xattaa shaqaalaha xisbiga WADDANI ay ku milmeen Xukuumadda Madaxweyne Biixi,isla markaana ay gacan saar la leeyihiin Xukuumadda uu wakhtigeedii sii dhammaanayo ee uu hoggaamiyo kornayl Muuse Biixi.
Mid kamid ah shaqaalaha Xisbiga WADDANI,isla markaana lagu sheegay inuu yahay agaasimaha maamulka iyo lacagta Xisbigaas ayaa si toos ah uga soo muuqday toddobaadkan xaflada ka dhacday xarunta Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha,taas oo uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee uu dhawaanw wasaaraddaas uu u magaacaabay Madaxweyne Muuse.
Agaasimaha maamulka iyo lacagta Xisbiga WADDANI oo haya xil aad u xaasaasi ah ayaa si badheedh ah uga qayb-galay xaflada ka qabsoontay sabtidii toddobaadkan xarunta Wasaaradda Maalgashiga,kaas oo ku faanay ka qayb-gallkeeda, isla markaan sawir uu la gallay agaasimaha cusub ku baahiyey barta facbuugiisa.
Arrintan ayaa ah mid laga wallaaco,isla markaana waxay muujinaysaa sida ay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ay u yihiin qaar aan arrimaha noocan dhaadanayn khatarta ay ku keeni karraan mustaqbalka soo socda,balse waxaad mooddaa inay sahashanayaan arrimaha noocan ah iyo kuwo kale,iyadoo Xukuumadda KULMIYE la ogyahay tallaabada ay ka qaado shaqaalaha Dawladda ee ay ku arragto xafladaha Xisbiga WADDANI inay ka qayb-galaan ama ay ku tuhunto inay tageero u muujiyaan Xisbiga WADDANI,kuwaas oo shaqada Qaranka laga eryo ,isla markaana qaarkood ay xabsiga dhigto. Leave a comment |
|