Milicsiga Halgamayashii Xuska Mutaystey Caalamka, Dhaliilahoodii Iyo Weliba Taalladda Koofil Lagaga Xasuusto Waddankiisa Ee Degmada Heanor, Derbyshire Ku Taalla. Warbixin Faysal Axmed Kaarshe

0
Wednesday October 20, 2021 - 23:24:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milicsiga Halgamayashii Xuska Mutaystey Caalamka, Dhaliilahoodii Iyo Weliba Taalladda Koofil Lagaga Xasuusto Waddankiisa Ee Degmada Heanor, Derbyshire Ku Taalla. Warbixin Faysal Axmed Kaarshe

    Milicsiga Halgamayashii Xuska Mutaystey Caalamka, Dhaliilahoodii Iyo Weliba Taalladda Koofil Lagaga Xasuusto Waddankiisa Ee Degmada Heanor, Derbyshire Ku Taalla. Warbixin Faysal Axmed Kaarshe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milicsiga Halgamayashii Xuska Mutaystey Caalamka, Dhaliilahoodii Iyo Weliba Taalladda Koofil Lagaga Xasuusto Waddankiisa Ee Degmada Heanor, Derbyshire Ku Taalla. Warbixin Faysal Axmed Kaarshe
Waa wax fiican runtiii in Taallooyinka Halgamayaasha uu leeyahay wadan, loo dhiso, la miineeyo, si mudan dhazalka wadankaa iyo hantidiisa, iyo weliba sidoo kale si xusuus u noqota jiilasha danbe ee ummaddaas in la  dayactirona mudan.
Kuwani waa qaar ka mid ah dadka aduunyada ugu caansan hadana ceebo iyo gafaf ayay taariikhdu u heshay inaanu ka madhnayn hogaamintoodaas xusuusta mudnayd.
1. Mahatma Ghandi,waxa uu ahaa  Geesi hadallo jacayl bulsho iyo nabadeedba jeediyay,waxa uu ahaa aabihi gobonimo u dirirka Hindiya ee ka saaray Ingiriiska, waxa uu ahaa nin erayadiisa taariikhdu ku tilmaantay wanaag dunidu dhamaanteed.
Hadana Ghandi mar kasta kuma dhaqmi jirin waxa uu dadka u sheegayo, gaar ahaan dhanka zinada oo lagu xaman jirey, dumarkii uu guursaday waxa uu u sheegi jiray in ay biyo qabow ku qubeystaan (maydhaan) hadii ay is celin kari waayaan dabcan (dareenku ku bato), isaguna  waxa uu xidhiidh la lahaa kala lahaa arrimahaas dhaqtar kiisii Sushila Nayar sanado badan.
2. Winston Churchill, waxa uu ahaa mid ka mid ah dadka ugu caansan looguna jecelyahay Ingiriiska, waxa uu ahaa RW  & taliye ciidan, hogaamintii dagaalkii 2aad ee dunidana keenay guul.
Churchill si ku tala gal ah ayuu cuntadii uga soo weeciyay wadanka Bangladesh oo markaa Hindiya ka tirsaneyd si uu ugu quudiyo reer yurubkii xulufada kula ahaa dagaalkii 2aad ee ‘dunida’ isagoo waliba diiday cunto ay u soo diri lahaayeen Maraykanka & Kanada,Sidaasna  waxaa baahi ugu dhintay dad lagu qiyaaso 3 malyuun oo qof.
3. Abraham Lincoln, waxa uu ahaa madaxweynihii 16aad ee Maraykanka. Waxa uu ku caan baxay nidaamkii dhamaynta adoonsiga.
Hase ahaatee qoraa lagu magacaabo Lerone Bennett Jr. waxa uu ku dooday in Lincoln ahaa runtii cunsuri dadka midab takoora, kaasoo si joogta ah ugu yeedhi jirey Madowga Maraykanka ereyo aflagaado ah, sidaasna uu ku ahaa mid joojinta adoonsigu aanay dhab ka ahayn balse ka lahaa danta midnimada xisbigiisa.
4. Martin Luther King, waxa uu ahaa wasiir hore (diinta) ee Maraykanka, u dhaq-dhaqaaqe bulsho, cod kar aan aduunku hore loogu arag , mid ka mid ah dadka loogu qadarinta badan yahay dunida.
Sidaas oo ay tahay Dr. king waxaa la sheegaa in uu xaday qoraallada qeybo ka mid ah buugiisii qalin jabinta ee PhD da. Qoraayo lagu magacaabo Lyndon B. Johnson na waxa ay ugu yeedheen Martin Luther King in uu yahay munaafaq waxa uu sheego aan ku dhaqmin.
Hadaba dadka geesiyaasha ah ama halgamada lagu xasuustaa waa binu-aadam inta ay noolyihiin ay wax ka khaldami karaan wax badanna toosin kara, hadaba bulshooyinka caalamku inta badan ee u toostay ayay ku tixgeliyaan geesiyadooda sidaasna uga dhisaan taallooyin ay ku qaddariyaan.
 
Sawirkan hoose waa maamuus ay dowladda Britain u sameeysay Richard Corfield (Koofil) oo ku yaalla Degmada Heanor, Derbyshire. Waxay dabcan dowladdiisu wax ka eegaysaa wixii uu danaheeda qaran ka qabtay oo iyaga waa u halgamaa, haba khaldanaadeen marka laga eego dhanka kale oo ah Soomaalidii uu gumaysiga u  aaday.
Waa mid muuqanaysa in aanay  Soomaalidu  isku aragti ka ahayn "Halgankii daraawiish”. Tusaale hogaamintii Halgankaas ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Soomaalidu aad bay ugu kala qaybsan tahay, dad badan ayaa weli ay baaqi ku tahay dhibaatooyinkii ciidankaasu u   gaysteen shacab ahaan, waxaase ah mid ka maqan hadafkii dhabta ahaa ee halgankaas, waxaana ah mid ay su’aal wayn saaran tahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan muxuu u halgamay?
Ma dhisidda dawlad Soomaaliyeed oo xor ah? Ma dhisid maamul koox-diimeed? Gabayadiisi oo ahaa kuwo qayb ka ahaa halganka, hadana waa kuwa la odhan karo turxaanta iyo nacaybka in badan oo bulshada ahi ay qabto inay yihiin  kuwo ku salaysan, arrintaasuna waa mid ka ilduufinaysa hadafkii taariikhda soomaalida u galay.
Faisal Ahmed Karshe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured