Faysal Cali Waraabe waa Gudoomiye Xisbi mucaarad oo 20 jirsaday.Balse marnaba xukuumadihii kala danbeeyay waajibkii mucaaradnimo ee ka saarnaa muu gudan. Qaalinkii Garyaqaan Jamaal Mandela.

0
Sunday October 17, 2021 - 21:54:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe waa Gudoomiye Xisbi mucaarad oo 20 jirsaday.Balse marnaba xukuumadihii kala danbeeyay waajibkii mucaaradnimo ee ka saarnaa muu gudan. Qaalinkii Garyaqaan Jamaal Mandela.

    Faysal Cali Waraabe waa Gudoomiye Xisbi mucaarad oo 20 jirsaday.Balse marnaba xukuumadihii kala danbeeyay waajibkii mucaaradnimo ee ka saarnaa muu gudan. Qaalinkii Garyaqaan Jamaal Mandela.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe waa Gudoomiye Xisbi mucaarad oo 20 jirsaday.Balse marnaba xukuumadihii kala danbeeyay waajibkii mucaaradnimo ee ka saarnaa muu gudan. Qaalinkii Garyaqaan Jamaal Mandela.
Faysal Cali Waraabe waa Gudoomiye Xisbi  mucaarad oo 20 jirsaday.Balse marnaba xukuumadihii kala danbeeyay waajibkii mucaaradnimo ee ka saarnaa muu gudan oo xukuumadihii kala danbeeyay midna sidii loo baahnaa uma mucaaradin.
Sidoo kale marnaba in uu  kursiga dalka ugu sareeya fuulo si dhab ah ugumuu qalab qaadan. Sadexdii tartan ee uu galayna dhamaan ololayaashii uu sameeyay waxa la odhan karaa waxa ay ahaayeen kuwo indho sarcaad ah ama geed saro waab ah oo aan waaqica ku dhisnayn.
Mar walbana waa nin habranaaya oo aan u badheedhi karin sida ay qayrkii u badheedhaan ololaha ka hor iyo kadiba.
Taa badalkeeda waxa uu mar walba xaqiiqada hortaal kaga gabbaddaa oo uu ku afgobaadsadaa in uu qabyaalada neceb yahay.Hadda waa ninka qudha ee reero toos wax uga sheega.
Sidoo kalena had iyo jeer ka hadalka xaaladaha dhabta ah ee dalka ka jirta  waxa uu kaga gabadaa oo uu dadka ku mashquuliyaa ka hadalka waxii hore ee tagay iyo weerarka madaxda muqdisho. 


Ujeedka kaliya ee uu mar walba leeyahayna waa in uu indhaha dadka iska mashquuliyo, oo uu ina tuso in uu yahay muwaadin dalka difaacaaya. Balse xaqiiqa ahaan waa geed ismarisnimo iyo in aanu ku dhicin in uu waxa dalka yaal si buuxda uga hadlo oo uu sutida u qabto hadba xukuumada jirta.  
Hadiiba aad aragto isagoo hadlaaya oo qawlalada ka xunbaynaaya waa mar xukuumadii ay ahayd in uu isagu weerar joogta ah ku hayo ay isagii  weerartay ama dan uu leeyahay ay kaga istaagtay oo uu wax iska dhicinaayo.
Tusaale ahaan maanta oo uu Cabdilaahi abokor oo isaga hore u weeraray uu iska dhicinaayay waxa uu inoo sheegay in Cabdi laahi abokor sameeyay uu musuqmaasuq badan sameeyay. Balse hore isagoo intaas iyo in ka badan ba og waajibkii saarnaa muu gudan oo marnaba arintaasi kama hadal.
Dhinaca kale waa xisbiga aanad mar qudha arkay isagoo siyaasi macno leh oo si dhab ah faysal ula gorgortami kara soo dhawaynaaya oo lagu soo biiraayo.  Waxa aad moodaa dhamaan siyaasiyiinta awooda leh oo dhan in uu ku xajiimoodo. Mar waxa uu iska odhanayaa danbiilayaasha sooma dhawayno. Marna waxa uu iska odhanayaa dad nadiifa ayaanu rabnaa oo siyaasiyiinta fashilmay ma soo dhawayno.
Toloow miyaanu ogayn in deegaan walba nin loo daba fadhiisto.
Hadaba waxa ay iswaydiintu tahay maanta oo uu Xisbiga  Ucid 20 jirsaday oo uu u dabaad degaayo sanad guuradii 20 aad ee dhalashadiisa, muxuu jiritaanka Xisbigaasi tarayaa hadaanu marnaba Gudoomiyaha Xisbiga Ucid gudanayn doorkii mucaaradnimo ee looga baahnaa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured