Ciidanka Dab-demiska Jsl Oo Soo Badbaadiyay Nin Bullaacad la Duntay Dugsiga Sheekh Bashiir Ee Magaalada Hargeysa.

0
Sunday October 17, 2021 - 21:27:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dab-demiska Jsl Oo Soo Badbaadiyay Nin Bullaacad la Duntay Dugsiga Sheekh Bashiir Ee Magaalada Hargeysa.

    Ciidanka Dab-demiska Jsl Oo Soo Badbaadiyay Nin Bullaacad la Duntay Dugsiga Sheekh Bashiir Ee Magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Dab-demiska Jsl Oo Soo Badbaadiyay Nin Bullaacad la Duntay Dugsiga Sheekh Bashiir Ee Magaalada Hargeysa.
Hargeysa(xogreeb.com) Ciidanka Dab-demiska Hargeysa waxaa Qaylo dhaan Badbaado Nafeed ah looga soo sheegay 3:40 pm degmada 26 June nooca badbaadadaas oo ahayd Nin Bullaacad ku dhacday lagana soo sheegay lambarka gurmadka degdega ah ee 990.
Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa samatabixinta ah, markii uu ciidanku gaadhay goobtaasna waxaa la gudagalay hawlgalkii iyadoo ciidanku adeegsanayo Qalabka lagu badbaadiyo dadka, ayna ka mid ahaayeen Xadhko iyo Salaamo iyo qalabo kale, ugu dambayna hawlgalkaa ayaa ciidanku ku guuleystay inay  Ninkaas oo badqaba ka soo saaraan godka.
Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa , maadaama oo dhaawac ka soo gaadhay Gacmaha iyo Garbaha.
Dadweynihii goobta joogay iyo eheladii ninkaa ku dhacday Suuliga ayaa iyaguna Ciidanka Dab-demiska uga mahadnaqay qaabkay u badbaadiyeen ninkaas iyo sida markiiba ay uga soo jawaabeen yeedhmadii iyo gurmadkii ay soo dalbadeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured