"Naayaadhaheen Eeddo Ma Kolbaynu Helaynaa Tuur oo yar!" Sheeko Xiiso Badan W/Q. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

0
Friday October 15, 2021 - 23:46:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Naayaadhaheen Eeddo Ma Kolbaynu Helaynaa Tuur oo yar!" Sheeko Xiiso Badan W/Q. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

    "Naayaadhaheen Eeddo Ma Kolbaynu Helaynaa Tuur oo yar!" Sheeko Xiiso Badan W/Q. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Naayaadhaheen Eeddo Ma Kolbaynu Helaynaa Tuur oo yar!" Sheeko Xiiso Badan W/Q. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.
"Beri baa waxa jirtay Islaan ayeeyo u ahayd wiil yar oo ciyaalka xaafadu ku naaneysi jireen Tuur. Islaantaasi waxay saaxiib dhow la ahayd Islaamaha xaafadda deggan badankooda. Islaantii waxay dhexda u xidhatay sidii wiilkaa yare ee ay waalidka u tahay u korin lahayd oo uu u noqon lahaa hanaqaad ku guuleysta nolosha. Xataa Islaantaasi waxay ka dagaalami jirtay in ay cidi xataa ugu yeedho magaca "Tuur”. Xataa Islaamihii ama haweenkii kale ee xaafadda deganaa ayaa iyaguna aad ugu dedaalay bal siday wiilkaa yar koritaankiisa iyo niyadiisaba qayb uga ahaan lahaayeen.


Waxay sidii ahaataba wiilkii yaraa ayaa weynaaday oo noqday ganacsade weyn oo geyigoo dhan laga majiirtay oo aan cidi ka daba hadal. Islaamihii xaafadda qaar ka mid ah ayaa is yidhi bal ka war doona wiilkii yaraa ee Tuur ee aad ku soo tacabteen. Maalin bay xafiiskiisii ku soo booqdeen. Islaamihii oo ka filaayey in uu si mug leh u soo dhaweyn doono oo bal in uun xasuusan doono abaalkii weynaa ee ay u soo galeen iyo halgankii ay ugu gurmadeen taabagalkiisa kolkuu inanka yare ee ciyaalka xaafadu ku caayi jireen "Tuur” ayaa iyagoo dhowr ku wada socda ugu soo galay xafiiskiisii. Laakiin nasiib daro filan waa iyo af kala qaad ayaa Islaamihii ku dhacay oo inuu sooryeeyo iska daaye, hadal wanaagsan iyo waji furan mid toona kuma uu salaamin Islaamihii. Halkii bay ka huleeleen iyagaa cagaha jiidaya oo niyad jabsan. Waxay orod isku sii daayeen Islaantii ayeeyda u ahayd ee ay dartii ku dhaqaaleyn jireen. Kolkii ay u soo galeen ayeey uga warameen wixii ku dhacay. Islaantii oo beryahaaba qarsanaysay niyad jabka iyadda qudheeda kaga dhacay wiilkii yaraa ee ay soo korisay ayaa waxay Islaamihii kale ku tidhi kelmad xikmad badan wadata. Waxay ku tidhi Islaamihii "Naayaadhaheen eedo ma kolbaynu helaynaa Tuur oo yar!” oo xaaladdii yaraantii ku jira. Islaamihiina intay yaabeen bay quusteen. Laakiin marmar baa la helaa "Tuur” oo yar mar kale oo xaaladdii yaraanta ku soo noqda. Bal adba!.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured