Dhismaha Dekeda Maydh oo Maraya Gabogabo...
Dhismaha Dekeda Maydh oo Maraya Gabogabo...
Ceerigaabo(xogreeb.com)-Dhismaha Dekeda Kaluumaysi ee Maydh, ayaa Maraya meel gabogabo ah, iyadoo hadda mashruuca dhismaha Dekeda la dhamaystiray %75 in ka badan.
dhismaha Dekeda Kalumaysi ee Maydh, waxa Laga hirgeliyey mashruuca Horumarinta ee Somaliland SDF.
Daba-yaaqadii sannaadkii hore ee 2020-ka ayaa waxa si rasmi ah loo dhagax-dhigay mashruuca dhismaha Dekeda Maydh, waxa soo wada dhagax-dhigay Maareeyaha guud we Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi iyo Wasiirka Xanaanada Somaliland Siciid Sulub Maxamed.
mashruuca dhismaha Dekeda Maydh, ayaa la filayaa horaanta sannaadka soo socda in xadhiga Laga jaro. Leave a comment |
|
Dhismaha Dekeda Maydh oo Maraya Gabogabo...
Dhismaha Dekeda Maydh oo Maraya Gabogabo...