"Xafiisyadeena Dibeddu Waxaan Doonayaa Inaanu Ku Koobnaan Shaqadu, Safiirka Xafiiska Jooga, Balse Uu ka Qayb-qaato Qof kasta Oo Qurbe-joog Reer Somalilnd Ahi" Wasiirka Arimaha Dibada jsl.

0
Wednesday October 13, 2021 - 02:23:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xafiisyadeena Dibeddu Waxaan Doonayaa Inaanu Ku Koobnaan Shaqadu, Safiirka Xafiiska Jooga, Balse Uu ka Qayb-qaato Qof kasta Oo Qurbe-joog Reer Somalilnd Ahi" Wasiirka Arimaha Dibada jsl.

    "Xafiisyadeena Dibeddu Waxaan Doonayaa Inaanu Ku Koobnaan Shaqadu, Safiirka Xafiiska Jooga, Balse Uu ka Qayb-qaato Qof kasta Oo Qurbe-joog Reer Somalilnd Ahi" Wasiirka Arimaha Dibada jsl.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xafiisyadeena Dibeddu Waxaan Doonayaa Inaanu Ku Koobnaan Shaqadu, Safiirka Xafiiska Jooga, Balse Uu ka Qayb-qaato Qof kasta Oo Qurbe-joog Reer Somalilnd Ahi" Wasiirka Arimaha Dibada jsl.
Hargeysa(xogreeb.com)-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamed, ayaa ka hadlay jidka uu u marayo ictiraaf-raadinta Somaliland.
Wasiir Ciise Kayd wuxuu sheegay in xafiisyada diblumaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay dalalka dibeddu aanay noqon doonin kuwo dhaqdhaqaaqooda la arko xusaska 18-ka May oo keliya, balse hadda ka dib laga dhigi doono kuwo qabta hawl-maalmeed joogto ah, si meel-dheer loo gaadhsiiyo Qadiyadda Ictiraaf-raadinta, isaguna ka Wasiir ahaan uu Masuuliyiinta Dawladaha Shisheeye la kulmi doono marka uu dalalkooda booqdo, halkii wakhtiyadii hore Wasiirrada Xukuumadda ka socdaa khudbado keliya ka jeedin jireen Xaflado Qurbe-joogto ugu qabtaan Hoteellada dalalka ay booqashada ku tagaan.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo khudbad u jeediyey qaar ka mid ah Qurbe-joogta Somaliland ee xilligan dalka gudihiisa ku sugan, ayaa sidoo kale sheegay inuu dedaalka ugu badan ee ictiraaf-raadinta ku bixin doono Dawladaha dadkoodu ku hadlaan Afka Faransiiska, si kor loogu qaadayo Saaxiibbada Somaliland ee Caalamka, taasi oo uu xusay inay Somaliland ka caawinayso dedaalkeeda ictiraaf-raadineed.
Wasiir Ciise Kayd Maxamed oo arrimahaa iyo arrimo kale oo muhiim ah ka hadlayaa wuxuu yidhi "Falsafadda aan doonayo inaan ku shaqeeyaa waxa weeyaan, in Xafiisyadeena dibeddu aanay noqon Xafiisyo hawl-galladooda la arko oo keliya 18-ka May oo dibedda u soo baxa, waxaan doonayaa inay noqdaan Dad si joogto ah u shaqeeya. Waxaan doonayaa inaanu ku koobnaan (Shaqadu) Safiirka xafiiskaa jooga, balse uu ka qayb-qaato Qof kasta oo Qurbe-joog ah oo Waddankan Somaliland u dhashay.”
Wasiirku wuxuu sheegay oo kale "Xafiisyadeena dibedda ka furani noqon maayaan kuwo u xidhan dhowr qof, wuxuu noqonayaa oo aan ka dhigayaa in Qof walba oo reer Somaliland oo dibedda jooga oo haysta awood uu ku codeeyo inuu Madaxda dalkaas uga ololeeyo (Somaliland) isagoo codkiisa isticmaalaya.” Ayuu yidhi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured