Xildhibaan Kamid ah Golaha Deegaanka Boorama oo Korodhka Miisaaniyaddooda ku Sababayey Amar Madaxweyne Muuse Biixi Bixiyey.

0
Friday October 01, 2021 - 23:35:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Kamid ah Golaha Deegaanka Boorama oo Korodhka Miisaaniyaddooda ku Sababayey Amar Madaxweyne Muuse Biixi Bixiyey.

    Xildhibaan Kamid ah Golaha Deegaanka Boorama oo Korodhka Miisaaniyaddooda ku Sababayey Amar Madaxweyne Muuse Biixi Bixiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Kamid ah Golaha Deegaanka Boorama oo Korodhka Miisaaniyaddooda ku Sababayey Amar Madaxweyne Muuse Biixi Bixiyey.
Boorama(xogreeb.com)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Abiib(Rabiile), oo kamid ah Golaha deegaanka degmada Boorama, ayaa qoraal kaga Faallooday Miisaaniyad sanaadeedka Degmada Boorama oo qarsoodi ay ku ansixiyeen.
Xildhibaan, qodob-qodob u Faahfaahiyey meesha ay ka Timi Miisaaniyaddooda korodhay, waxa uu u dhigan yahay qoraalkiisu sidan. 
"Maalmahan waxaa Baraha Bulshada aad u dhexwareegayay Odoroska Miisaaniyadda 2022 ee Gollaha Deegaanka Degmada Boorama ansixiyeen. Saxafiyiin badan ayĆ a ila soo xidhiidhay oo  jeclaa in ay su' aalo iga waydiiyaan anniguna aan ka cudur daartay, Dadweynaha ayaa si kala duwan u qaadaa dhigayay. Sida saxda ahi waxa ay ahayd in maalinkii Golluhu ansixinayay Odoroska Miisaaniyadda warbaahinta iyo dadweynaha laga qayb galiyo si looga wada bogto macnaha odoroska Miisaaniyadda iyo howlwadareedka la soo qabtay.  Haseyeeshee bal sida ugu kooban aan idiinku bayaamiyo afar duruufood oo ku jiray odoroska Miisaaniyadda oo Golluhu wadajir uga soo gudbeen.


1. Korodhka Dakhli ee 2022

Odoroska Miisaaniyadda 2022 waxaa ka muuqda korodh u dhigma 100%. korodhka ku yimid Waxaa saldhig u ah korodha dakhli ee dhacay saddexdii bilood ee Gollaha cusubi xilka hayeen, korodhkan oo ka yimid amarka madaxweyne ee fasaxay in degmadu  hesho dhamaan kabkii uu xeerku u jideeyay oo dhan 12% iyo korodh ku yimid madaxyada dakhliga Degmada qaarkood. Haddaba si ay sugnaato Odoroska Miisaaniyada 2022 waxaa shardi ah in waxkabadal lagu sameeyo korodha ku yimid Miisaaniyadda hadda lagu dhaqmo sida uu dhigayo Xeer # 23. Miisaaniyadda korodhay waa tan 2021, Miisaaniyadda 2022 waa Odoros.

2. Qorshaha Horumarineed

Qorshaynta Miisaaniyaddu waa howlwadareed u baahan in Qorshe isku sar go'an oo tibaaxaya cashuurta muwaadinku Bicixiyay iyo baahiyaha la wajahayo, waxaana ,Muhiim ah in qorshaha horumarineed oo laga soo dheegtay Mudnaanaha Qorshaha guud iyo baahiyaha Bulshadu tabayso ay Miiska  Saaranyihiin ugu yaraan.

3. Qondaynta Karashaadka

Waa Muhiim in  Odoroska Miisaaniyadda si wacan oo hufnaan leh oo qoondeeyo ( Budgeting). Bulshadu waa in ay dareemaan in miisaaniyadda lagu daray baahiyaha Mudnaanta leh sidoo kale waa in shaqadda lafteedu dareentaa in howlihii loo baahnaa ay ku jiraan Miisaaniyadda.

4. Ansixinta iyo ku dhaqanka.

Miisaaniyadda waxaa loo maraa jadwalka ku xusan Xeer"# 23 oo qeexaya in ugu danbayn ay Gollaha Deegaanka ka soo baxdo 23 Sep Sannad kasta. Jadwalka waxa uu ka koobanyahay diyaarin, Soo jeedin, iyo Ansixin. Waa Maasuuliyado cayiman iyo waajib Golle. Maadaama Gollaha la siiyay Saacado kooban sida oo kale diyaarintu qaadatay maalmo cayamin oo ay  ku  lamaan yihii qoddobo sharci, waxa  uu Golluhu talo ahaan isla qaateen in si wada jir ah looga howlgalo qaladaadka sharci iyo Maamul ee soo baxay.

Maadama  aan ka warqabo duruuftii ku gedaamnayd diyaarinta Odoroska Miisaaniyadda 2022, talada ugu badana aan ka soo jeediyay Gollaha, waxaa la yaab igu noqotay in odoroska Miisaaniyadda laga dhigto waxqabad u gaar ah shaqsi. Waxa kale oo Dammiir Xumo ah in dadweyne aan ka warqabin duruuftaasi la majari habaabiyo.

Maadama aan nahay adeege bulsho Masuuliyaddeenu waa Run iyo  Afeef dhigasho iyo in aan  waxkasta aqoon iyo waayoaragnimo ah aan ku koobna Fulinta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured