"Hadaanay xukuumadu lug ku laha Maxaa loo soo qaban waayey sultaan Suleyman". Siyaasi Cali Kubad.

0
Friday October 01, 2021 - 21:01:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hadaanay xukuumadu lug ku laha Maxaa loo soo qaban waayey sultaan Suleyman". Siyaasi Cali Kubad.

    "Hadaanay xukuumadu lug ku laha Maxaa loo soo qaban waayey sultaan Suleyman". Siyaasi Cali Kubad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadaanay xukuumadu lug ku laha Maxaa loo soo qaban waayey sultaan Suleyman". Siyaasi Cali Kubad.
Weerar kan uu Sultaanku ku qaaday xildhibaan Guruuje waxuu dhaawac weyn ku ahaa ficil ahaan, hab dhaqan dawladnimada Somaliland, waxay kale  lala yaabo, inay xukuumadii sharciga iyo dawladnimada ilaalin lahayd, lagu eedaynayo inay lug ku lahayd gabood falkan. Qof kastoo ban’ Aadam ahi wuu gefi karaa wuuna nacasoobi karaa maalin maalmaha ka mid ah. Haseyeeshee, shilkan dhacay muu ahayn mid  la odhan karo Sultaanka cimaamadii baa ka dhacday uun, ee waxuu fal danbiyeed meel fagaare ah lagu sameeyey. Gacan ka hadalku waa wax u gaar ah dawlada uun(Only State has monopoly on violence), laakiin qofku inuu sharciga gacanta ku qaato waa ka denbi distoorkeena iyo dawaladnimadeenaba. Miyaanay ahayn inuu Sultaanku saldhiga is geeyo oo yidhaahda waar nin xildhibaan ah bay gacani igaga dhacday ee sharciga i marayi, waxaan qabaa inaanu saacad wax ka badan ku jireen,oo la soo damiinan lahaa, yeelkeedee sidan way dhaami lahayd oo waxuu inoo muujin lahaa Sultaanku inuu sharcigeena ixtiraamayo.


Habada Akhristayaalow, arrinkan waxuu daba socdey badhifurkii ama balan ka bixidii uu xildhibaan Guruuje ku sameeyey qolodii damacsanayd inuu Xildhibaan Faratoon noqdo gudoomiyaha golaha Wakiilada, oo meesha waxay dhex martay lacag la doonayey in lagu iibsado damiirka xildhibaan kaas. Weji gabaxii xaafada xildhibaanka kaga timi dhinaca xukuumada iyo madaxdii reerka ee xukuumada mateleysey baa mashaqadan dhalisay. Markuu caynkaas xaal yahay, waxay noqonaysaa arrin Sultaan lagula socdey oo Jenanka Booliska iyo Madaxweynuhuba ay wax kaga jireen, haddii aanay kula jirina farxad gelisey markay maqleen dhaawaca xildhibaanka loo geystey. Haddii uu Sultaanku saldhiga is geyn waayey, lana soo qaban waayey, waxay dhacdadaina inoo horseedi kartaa shilal kan ka waaweyn, oo loo geysto xildhibaanada kale iyo madax kale oo badan. Waxa kale oo innoo wada muuqda in xukuumadii amniga iyo xasiloonida ilaalin lahayd, ay u shaqayso sidii Maafiyada oo arrintani tahay mid xildhibaanada kale loogu sii hanjebayo oo lagu sii cabsi gelinayo mustaqbalka soo socda. Waa cabsi gelin iyo qawleysatinomo ( Gangesterism) hor leh oo dalka ku soo biirtay. Odaygii Qoor-waa waxuu yidhi markuu arkay Ina Cabdalle Xasan oo da’ yar, oo oday weyn oo abtigii ah ku dhex dhirbaaxo shir ay wada fadhiyeen… "Wallee qudhaa xigi”. Ilaahay innoo kama dhigee!


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured