Xikmadda Suugaanta Caalamka bal aynu eegno maanta: Qaalinkii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

0
Friday October 01, 2021 - 20:59:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xikmadda Suugaanta Caalamka bal aynu eegno maanta: Qaalinkii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

    Xikmadda Suugaanta Caalamka bal aynu eegno maanta: Qaalinkii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xikmadda Suugaanta Caalamka bal aynu eegno maanta: Qaalinkii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
Sida ku soo aroortay sheeko xariirada qaybta ka ah suugaanta dalka Czech Republic:
Mid ka mid ah kaymaha dalkaasi ayaa waxaa ka banaanaday boos shaqo oo loo rabay Bakayle.
Waraabe bilaa camal ahaa ayaa soo saymaystay waraaqo caddaynaya inuu Bakayle yahay, sidii ayuuna shaqadii ku bilaabay.


Muddo ka dib wuxuu ogaaday inuu jiro Bakayle ka shaqeeya shaqadii Waraabaha oo haysta waraaqo muujinaya inuu Waraabe yahay.

Waraabuhu markuu ogaaday in shaqada Waraabuhu ay ka lacag badantahay ta bakaylaha ayuu dacwad xeraystay si uu shaqadaas u helo, Bakayluhuna tiisa u qaato.

Guddi Shabeello ah ayaa gartii loo xilsaaray, waxayna gartii ku gooyeen in Bakayluhu Waraabe yahay maadaama uu waraaqo muujinaya haysto, Waraabuhuna Bakayle yahay…

Waraabihii oo la filayay inuu rafcaan qaato ayaa iska diiday. Xayawaankii kale ayaa weydiiyay sababta uu u diiday rafcaanka?

Waraabihii ayaa yidhi : Markii aan arkay  guddida Shabeelada ah ee garta qaadaysaa in ay dhammaantood yihiin Dameero haysta waraaqo muujinaya inay Shabeello yihiin ayaan ka quustay oon gacmaha dib u laabay. Bal adba.
By Jamal Ali Hussein


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured