Hargeysa iyo Gaadhka, Suuqyada, Xaafadaha. Qalinkii Kayd Cabdilahi Xandule.
Hargeysa iyo Gaadhka, Suuqyada, Xaafadaha. Qalinkii Kayd Cabdilahi Xandule.
Markaan u fiirsaday Shaqada sida cilmiyeysan looga fekeray ee qudha ee dibu dejinta Saxda ah noqotay, nabad-gelyada taala magaalooyinkeena qaybta lixaad leh ka qaadatay , abuurista Shaqadaas cidkasta oo lahayd, inuu alle soo dhex-mariyey hal abuur qiimo weyn umada ugu fadhiya.
Markii aynu soo galnay wadanka oo wada burbursan wax nidaam maamul ah oo ka jiraana aanu jirin, xaaladuna noqotay in wax kasta dib loo yabyabo, waqtiga iyo nolosha ayaa noqday ta waxkasta hogaaminaysa, arrintan aynu iminka ka hadlaynaynaa waxay ahayd fekeradii ka dhashay xaaladaas.
Haddii aan usoo gondo dego ujeedka qoraalkayga waxaa ka jira magaalada hargaysa, xaafad kasta, suuq kasta koox ilaaliya oo qaata lacag ay urursadaan, qaab habeen kasta ah iyo qaab bile ahba , ragaasi asal ahaan intooda badani waxay ahaayeen rag hawl badnaan jiray, qaarkood budh cad ahaan jireen, iyagii ayaa lagu maalgeliyey inay ilaaliyaan xaafadaha iyo suuqyada, waxay arrintani suulisay tuugadii iyo budhcadnimadii, waxay iyagana u noqotay dibu dejin loo sameeyey oo dhadhansiisay nolosha wanaageeda, waayo waxay u xaadiraan lacag ay noloshooda iyo reerahooda ku maamulaan, waana shaqo ay ilaashanayaan, waxayna tiirweyn ka noqdeen nabadgelyada iyo deganaanshaha bulshada.
Marba marka ka dambaysa waa la sii casriyeynayaa, waxaana iminka la waafajiyaa sharciga nabadgelyada ee wadanka l waanay diiwaan gashan yihiin, shaqada laga doonayana iyana waa laga saxeexa, markaa iminka waa unug nabadgelyo oo sharci ah, iminka waxaabay ka qayb qaataan rĂ adinta dambiilayaasha kale ee soo gala, waxaan odhan karaa waa informal security agency kuwa ugu muhiimsan ee lagu guulaystay ee jira hadda.
Waxaan doonayaa inaan u gudbiyo kuwo aan ka warhayn nabad-gelyada taala soomaliland halka laga keenay iyo inaanay wax si fudud ku yimi ahayn, ee ay gaadhay in Dahabkii loo dhiibtay kii jabsan lahaa oo lagu mushqaayad siiyey noqotayna tiir ka mid ah nabad-gelyada taala somaliland. Wa bilaahi tawfiiq. Leave a comment |
|
Hargeysa iyo Gaadhka, Suuqyada, Xaafadaha. Qalinkii Kayd Cabdilahi Xandule.
Hargeysa iyo Gaadhka, Suuqyada, Xaafadaha. Qalinkii Kayd Cabdilahi Xandule.