Dhalliil Haa, Dhalleecaynse Maya. Faallo. Xuseen Cali Nuur

0
Wednesday September 29, 2021 - 20:51:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalliil Haa, Dhalleecaynse Maya. Faallo. Xuseen Cali Nuur

    Dhalliil Haa, Dhalleecaynse Maya. Faallo. Xuseen Cali Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalliil Haa, Dhalleecaynse Maya. Faallo. Xuseen Cali Nuur
Qof, Qoys, Qabiil iyo Qaran midna kama maarmo in wax loo sheego, la xasuusiyo, waxna lala qabto, waxaanna u sabab ah in aan bani’aadamku sidiisaba aanu ahayn mid dhammaystiran; inkastoo aqoon, hanti iyo awood kasta uu haysto. 
Diinteennu waxay ina faraysaa inaan is xasuusino, isuna sheegno kuwaasoo waxtar noo leh.  Muran ma leh in qof kastaa dhalliilo yeelan karo, isla markaana aanu qofna jeclayn in la dhalleeceeyo. Dhalliisha qudheedu waxay qaadasho yeelan kartaa hadba qaabka loo soo jeediyo iyo danaha laga leeyahay. 


Dhalleecayntu waa weerar shakhsiyadeed, ujeeddada laga leeyahayna ay tahay in sumcadda iyo sharafta qofka ama Hay’adda loo jeedinayo laga leeyahay. Qofka loo jeedinayaa wuxuu noqon karaa arday, shaqaale ama masuul. Cid kasta oo loo jeediyaana uma cuntami doonto, maadaama waxyeeladeedu ka badan tahay waxtarkeeda. 

Jamhuuriyadda Somaliland oo cadow badan leh, xuquuqda aasaasiga ah ee Qaran la aqoonsan yahayna inay noqoto loo diidan yahay, waxay dedaal weyn ugu jirtaa horumarka dadkeeda iyo dalkeeda. Waxay u baahan tahay maalgelin siday uga faa’iidaysato macdanta dihin ee ay leedahay. Wax isku sheeg iyo isu-sixid hadafka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland leedahay waa mid cuntami kara, dhaliilaha noocaas ahina waa la qaadan karaa. 

Dhaleecaynta ka jirta dunida la sheego inay horumartay iyo qaab nololeedkeeda, dhalliilaha ka jira, waa dhaleecayn. Hase ahaatee dalkeenu waa mid aanu u baahnayn. 
Dalkani wuxuu u baahan yahay dhalliilo caafimaad qaba, waxtarna u leh, waxna ku biirin kara adkeynta nabadda, xasiloonida, midnimada shacbiga iyo horumarka dalka. 

Sixid iyo kaabis lagu sameeyo wax la iloobay ama wax ku dar loo baahan yahay waa arrimo aan laga maarmin, waxayna xoojiyaan jawiga waxqabad iyo wada-shaqeyneed ee ka jira Xukuumadda, Baarlamaanka, Axsaabta Siyaasadda iyo Ururrada Bulshada. 

Dhaliilaha toosan ee noocan ahi waxay cadowga ku yihiin gantaalo aanay ka soo kaban Karin. Sidoo kale cidda aan jeclayn in Jamhuuriyadda Somaliland noqoto dal isku tashaday oo aan aayihiisa u ogolayn inay cid kale farogeliso. 
Waxa loo baahan yahay in aad looga feejignaado dhalleecayntu waxyeelada qofka iyo dalkaba ay u geysan karto, isla markaana u noqon karto marmarsiiyo uu adeegsado cadowgu. 
Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa "Si xun wax u sheeg, sixir ka daran” waxaana taas la mid ah dhaliilaha loo soo hadoodilo dhalleecayn xumo loogu talo-galay. 
Waxa qoray Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured