Xogaha Laga Helayo Booqashadii Uu Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Ugu Tagay Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Iyo Nuxurka Codsi Uu Ugudbiyay.

0
Monday September 27, 2021 - 01:44:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogaha Laga Helayo Booqashadii Uu Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Ugu Tagay Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Iyo Nuxurka Codsi Uu Ugudbiyay.

    Xogaha Laga Helayo Booqashadii Uu Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Ugu Tagay Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Iyo Nuxurka Codsi Uu Ugudbiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogaha Laga Helayo Booqashadii Uu Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Ugu Tagay Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Iyo Nuxurka Codsi Uu Ugudbiyay.
Dubai(Xogreeb)-Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi  saylici oo uu weheliyo wasiirka isgaadhsiinta iyo Technolajiyada jsl iyo iyo  saraakiil kale ayaa maalintii  shalay booqasho ugu tagay madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo hoyga uu ka degan yahay magaalada Dubai ee iskutaga Emaaraadka carabta kaasi oo ahaa safar booqasho,
Madaxwayne kuxigeenka Somaliland ayaa isagu mudo ku suganaa magaalada Dubai balse booqashada uu ugu tagay madaxwaynihii hore axmed siilaanyo oo uu 7sano kuxigeen u ahaa ayaa dabada socotay booqasho uu maalin ka hor ugu tagay gudoomiyaha xisbiga wadani cabdiraxmaan ciro oo uu weheliyo Boqor cismaan aw Maxamuud Buurmadow oo mudooyinkii danbe deganaa dalka Emaaraadka carabta.
Wararka laga helayo booqashada Cabdiraxmaan Saylci ugu tagay madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in uu daarnaa codsi oo ka siday madaxwayne biixi in uu ugudbiyay.
Sidoo kale xogaha laga helay codsiga madaxwayne kuxigeenka jsl cabdiraxmaan saylici ugudbiyay madaxwaynihii hore axmed siilaayo ayaa ahaa in uu dhex ka ahaato ololaha siyaasada ee asxaabta dalka ismarkaana aanu wax taageero ah ufidin gudoomiyaha xisbiga wadani oo safarka uu ugu tagay siilaanyo dhaliyay dareenka uu qabo madaxwayne biixi ee kuxigeenkiisu ugu tagay
Dhanka kale madaxwaynihii hore ee Somaliland axmed siilaanyo ayaa la sheegay In uu ku gacan saydhay codsigii uu ula tagay saylici 
Xukuumada madaxwayne biixi ayaa Dareeno  sas ah waxay  ah ka qaadeen kulankii uu gudoomiyaha xisbiga wadani la qaatay qoyska axmed siilaanyo oo  daba socday go,aankii uu xilka wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha dibada ku diiday baashe cawil oo isagu katirsan qoyska Axmed Siilaanyo, Isagoo dhanka kale  Goob joog ka ahaa kulankii uu la yeeshay gudoomiye cirro  halka Ay mudooyinkii danbe sida la sheegay ay saluug wayn ka qabeen qoyska axmed siilaanyo  hogaaminta Madaxwayne bixi ee dalka  iyo ficilo uu kula kacay qoyska  oo isa soo tarayay mudadii uu xilka hayay oo hada afar sano maraysa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured