Madaxweyne Muuse Biixi oo Abaabulay Weerar Ka Dhan ah Qoyska Siilaanyo...

0
Sunday September 26, 2021 - 20:47:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Abaabulay Weerar Ka Dhan ah Qoyska Siilaanyo...

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Abaabulay Weerar Ka Dhan ah Qoyska Siilaanyo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo Abaabulay Weerar Ka Dhan ah Qoyska Siilaanyo...
Burco(Yoolnews.com)-Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa ku hawlan qorshe uu rabo inuu kaga hadliyo shaqsiyaad kasoo jeeda beesha Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo", xubnaha Laga hadlinaayo ayaa kasoo jeeda Beesha Aadan-Madoobe, kuwaasoo uu rabo Md. Muuse Biixi inay  eedaymo warbaahinta u mariyaan  xubno ka tirsan qoyska Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, iyaga oo la xidhiidhinaya inay sharaf dil iyo meel ka dhac ku hayaan kaaraamadiisa, shaqsiyaadka kamid ah qoyskiisa gaar ahaan Marwadiisa iyo Wiilka uu Sodogga u yahay.
Warar iyo Xogo ay heshay shabakada Wararka ee Yoolnew.com, kuwasoo u dhuundaloola qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxa ay tibaaxeen in qorshaha arinkaasi loo xil saaray xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi, kana soo jeeda Bariga Burco, iyo sidoo kale ninka ganacsadaha ah oo lagu magacaabo Cumaani.
Waxa kaloo wararku intaa ku dareen in fulinta hawshan ka dhici doonto Magaalada Burco toddobaadkan. Xubnahan weji-ku-macaashka ah ayaa la xafidsiiyey inay ka hadlaan nolol wadaaga qoyska reer Siilaanyo, iyagoo ka dhigaya Marwada Madaxweynihii hore Marwo Aamina-weris iyo wiilka Axmed Siilaanyo Sodoga u yahay, dad sharaf dil iyo meel ka dhac ku haya Md. Axmed Siilaanyo,  halka iyagu ka yihiin qaar u damqaya Axmed Siilaanyo.
Waxase isweydiintu goormaa taariikhda Marwo noqotay cadawga Ninkeeda, nin banaanka joogeyna nasteex u noqday?Xigasho Shabakada Yoolnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured