Waftiyo Ka Kala Socda Dalalka Qadar Iyo Sucuudiga Oo Labadii Maalmood Ee Udanbeeyay Ku Sugnaa Caasimada Somaliland Iyo Xogaha Laga Helayo

0
Sunday September 26, 2021 - 16:54:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waftiyo Ka Kala Socda Dalalka Qadar Iyo Sucuudiga Oo Labadii Maalmood Ee Udanbeeyay Ku Sugnaa Caasimada Somaliland Iyo Xogaha Laga Helayo

    Waftiyo Ka Kala Socda Dalalka Qadar Iyo Sucuudiga Oo Labadii Maalmood Ee Udanbeeyay Ku Sugnaa Caasimada Somaliland Iyo Xogaha Laga Helayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waftiyo Ka Kala Socda Dalalka Qadar Iyo Sucuudiga Oo Labadii Maalmood Ee Udanbeeyay Ku Sugnaa Caasimada Somaliland Iyo Xogaha Laga Helayo HARGAYSA(Xogreeb)-Laba Wafti Oo Ka Kala Socda Dalalka Qadar Iyo Boqortooyada Sucuudiga Ayaa Labadii Maalmood Ee Udanbeeyay Soo Gaadhay Caasimada Somaliland Ee hargaysa Kuwaasi Oo Aan la Shaacin socdaal ay ku yimaadeen Somaliland Iyo wax uu daarnaa,

 

 

Waftiga ka socday dalka qadar oo uu hogaaminayo safiirka Dawlada qadar ufadhiya Muqdisho oo ay weheliyan laba Masuul oo ka socday Haayada Bisha Cas Ee Qadar Charity ayaa Magaalada hargaysa soo gaadhay sedex cisho ka hor kuwaasi Oo kulamo la yeeshay wasiiro katirsan xukuumada Somaliland.

Safiirka dalka qadar ufadhiya magaalada muqdisho ayaa kulamo La qaatay wasiirka arimaha dibada Somaliland iyo wasiirka Arimaha gudaha, wallow aan la shaacin ujeedada safarkooda Iyo Waxyaabahaay kawada hadleen Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumada Somaliland.

Sidoo kale Xogaha ay shabakada wararka ee wajaalenews ka  Helayo waftiga ka socda dalka qadar ee uu hogaaminayo safiirka ufadhiya somaliya  ayaa sheegaya in xukuumada Somaliland ka cudur daaratay kulan uu doonayay in uu la yeeshay madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi iyagoo magaalada hargaysa ku sugnaa sedex cisho taasi oo waji gabax ku noqotay waftigan in ay usuurto gali waydo kulan ay doonayeen in al yeesheen madaxwayne biixi, waftigan oo ayaa sida xogaha aanu helaynaa tibaaxeen ayaa maanta ka dhoofay madaarka caasimada hargaysa ee cigaal international.

Dawlada qadar ayaa iyadu  hirgalinin balamo ay hore ula xukuumada Somaliland oo ahaa in ay magaalada hargaysa  xafiis ka furato ay leedahay haayada mucaawinooyinka dawlada qadar ee bisha cas, waana arimaha sobobay in madaxwaynaha Somaliland ka cudur daarto kulan ay doonayeen in ay la yeesheen,

Dawlada Qadar ayaa iyagu siwayn utaageera maamulka Somaliya, halka aanay Somaliland ku lahayn wax saamaynta iyo xidhiidh toos ahba.

Dhanka kale wafti ka socday boqortooyada sucuudi arabiya oo Uu hogaaminayo safiirka dalka sucuudiga ufadhiya magaalada Nariobi Ee Dalka Kenya ayaa laba cisho ku sugnaa caasimada Somaliland ee hargaysa kuwaasi oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay wasiiro katirsan xukuumada Somaliland iyo madaxda dalka Somaliland ujooga haayada salmaan foundation oo sanadihii udanbeeyay mucaawinooyin raashin ah soo gaadhsiinaysay shacabka Somaliland gaar ahaa dadka danyarta ee degen xaafadaha barakacayaasha ee magaalada hargaysa iyo gobolada Somaliland,

Waftigan ka socday dalka sucuudiga ayaa iyagu dalka ka dhoofay maalintii shalay sida ay sheegayaan xogaha aanu ka helayo,

Dawlada boqortooyada sucuudi  ayaa iyagu kamid ah dawladaha carbeed ee dawlada Somaliland soo gaadhsiiya mucaawinooyinka ay bixiso haayadaha boqortooyada sucuudigu iyo maalqabeenada udhashay dalka sucuudiga,

Halka dawlada Boqortooyada sucuudigu dhanka kale Aanay  kamid ahayn dawladaha carabta ee fara galiya siyaasada iyo madaxbaaninada Somaliland, ismarkaana aan kamida ahayn dawladaha utafo xaytay taageerada maamulka madaxwayne farmaajo oo iyagu cadow ku ah jiritaanka Somaliland lana dagaalanta taageerada ay Somaliland ka hesho beesha caalamka,

xukuumada Somaliland ayaan wax war kasoo saarin ujeedada socdaalka ay caasimada Somaliland ku yimaadeen laba wafti ee ka kala socday wadamada boqortooyada sucuudiga iyo qadar Oo dalka soo kala gaadhay laba maalmood oo isku xigta iyo Waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxda xukuumada Somaliland ee ay kulamada la yeesheen,

Maaha markii uhoraysay ee Somaliland ay soo gaadhaan waftiyo ka socda wadamo carbeed oo siyaasiyan iska soo horjeeda!




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured