Halkee Ayay Ku Dambeeyeen Guddiyadii Beelaha Habar Awal Ee Madaxweyne Biixi Sameeyay Si Ay Ugu Hawlgalaan Doorashadiisa Uu Mar Labaad U Tafo-Xaydan Yahay?.

0
Thursday September 23, 2021 - 21:44:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee Ayay Ku Dambeeyeen Guddiyadii Beelaha Habar Awal Ee Madaxweyne Biixi Sameeyay Si Ay Ugu Hawlgalaan Doorashadiisa Uu Mar Labaad U Tafo-Xaydan Yahay?.

    Halkee Ayay Ku Dambeeyeen Guddiyadii Beelaha Habar Awal Ee Madaxweyne Biixi Sameeyay Si Ay Ugu Hawlgalaan Doorashadiisa Uu Mar Labaad U Tafo-Xaydan Yahay?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkee Ayay Ku Dambeeyeen Guddiyadii Beelaha Habar Awal Ee Madaxweyne Biixi Sameeyay Si Ay Ugu Hawlgalaan Doorashadiisa Uu Mar Labaad U Tafo-Xaydan Yahay?.
Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan isku dayay inuu boodhka ka jafo Waxgaradka iyo Ganacsatada kasoo jeeda Deegaamadiisa  si uu mar kale horgale uga dhigto tartanka uu maagan yahay inuu isku soo taago Kursiga Madaxtinimada Dalka, isagoo sameeyay Gudi ka kooban Beelaha HABAR AWAL kuwaasi oo ay ugu war dambaysay  habeenkii ay kulmeen.
Wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi quus ka taagan yahay xataa deegaamada uu kasoo jeedo kadib markii uu ku guuldaraystay abaabul uu isku dayay inuu mar kale taageero uga helo damaca uu ka qabo inuu mar kale u tartamo Kursiga uu hadda ku fadhiyo ee Madaxtinimada Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxa uu dhaq dhaqaaq aan xooganayn ka dhex sameeyay Wax garadka deegaamada uu kasoo jeedo isagoo kulan la qaatay Wax garadka iyo ganacsatada ugu miisaanka Culus Deegaanka uu kasoo jeedo, gudi hor dhac ahna ka dhex sameeyay.
Madaxweyne Biixi ayaa sida warkani nagu soo gaadhay waxa uu sameeyay Gudi ka kooban Beelaha Habar Awal oo tiro ahaan markan hore koobnaa kuwaasi oo uu u xil saaray sidii ay kaambayn olole ah uga dhex bilaabi lahaayeen Deegaamada uu kasoo jeedo Madaxweyne Biixi, gudidaasi oo uu ka mid ahaa Ganacsade Maxamud Qaalib Cali oo kasoo jeeda Beesha Sacad Muuse iyo Ganacsade Muuse Dalab oo isna kasoo jeeda Beesha Ciise Muuse, waxa uu odayaashan ka dhigtay Musdambeedka Ololihiisa mar kale isagoo u diray sidii ay u soo qiimayn lahaayeen aragtida deegaankiisa ee ku saabsan inuu Mar kale isasoo sharaxo.
Wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in odayaashaasi ay waji gabax kala kulmeen kulamo ay la qaateen waxgarad kala duwan oo deegaamadan kasoo jeeda kadib markii ay u bandhigeen fariinta iyo hawsha ay wadaan, waxaannu dhaq dhaqaaqaasi socday muddo laba todobaad ah kaasi oo aan illaa hadda la ogayn halka uu ku dambeeyay, balse waxa la aaminsan yahay inay ka niyad jabeen qorshahaasi, lamana oga inay Madaxweynaha ku war celiyeen iyo in kale. Waxay u muuqataa inuu Madaxweyne Biixi waji gabax kala kulmayo xiita deegamada uu kasoo jeedo hadii uu mar kale isasoo sharaxo, iyadoo uu ku hawlan yahay inuu Doorashada Madaxtinimada wakhtigeeda ku qabto.
Sikasta ha noqotee, waxa dhinaca kale socda abaabul xoogan oo siyaasiyiinta iyo Waxgaradka deegaamadiisa kasoo jeedaa ay wadaan taasi oo ay gorgortan siyaasi ah kula jiraan Xisbiyada Mucaaridka.
XIGASHO; WARGAYSKA FOORE.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured