Dhallinyaro, Fadhi Dambe inooma Yaallo Faalo: Xuseen Cali Nuur

0
Thursday September 23, 2021 - 11:18:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhallinyaro, Fadhi Dambe inooma Yaallo Faalo: Xuseen Cali Nuur

    Dhallinyaro, Fadhi Dambe inooma Yaallo Faalo: Xuseen Cali Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhallinyaro, Fadhi Dambe inooma Yaallo Faalo: Xuseen Cali Nuur
Qalin-jabinta jaamacadaha dalka ee sannadkan muuqaalka guud, waxay u muujinayaan dunida in waxbarashada Somaliland loo simman yahay, waxase intaas u dheer in qaab dhar-qaadashada dharka ee  habluhu ka duwan yahay kuwa dunida maanta, yahayna mid waafaqsan dhaqankeenna, waxaana loo baahan yahay dhawrsannaantaas. 
 Tirada guud ee Ardayda jaamacadaha, dugsiyada sare iyo hoose ee gudbay waa mid lagu farxo, waxase si gaar ah ugu riyaaqaya waayeelka ogaa in tirada arday ee Somaliland u dhalatay aanay ka badnaan jirin dhawr Boqol oo qudha. 
Waxaanay xasuusanayaan waayeelkaasi xilligii gumaysiga Ingiriiska in barashadu ay ahayd mid ku kooban  danaha loogu adeegayo ciddii xilka haysay oo kaliya.  
Khudbadihii munaasibadihii qallin-jabinta jaamacadaha ay ka jeediyeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Wasiirro, Madaxda jaamacadaha, axsaabta qaranka iyo aqoonyahannadu, waxay ahmiyad gaar ah sannadkan siinayeen dhallinyarada. Waxay hoggo-tusaaleynayeen waajibaadka ka saaran waalidka, intii ku soo tacabtay iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo u fududeeyey, siiyeyna fursad dalka gudihiisa laamaha kala duwan ee ay ka qalin-jabiyeen. 
Sannadkan xafladuhu waxay kuwii hore kaga duwanaayeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo guud ahaan dhallinyarada, gaar ahaana inta qalinjabisay ugu bushaareeyey in Jamhuuriyadda Somaliland saddexda Khayraad ee dal u baahan yahay ay wada haysato. Waxaana ka mid ah in macdanaha kala duwan ee dalka oo dihin uu dahabku yahay macdanta ugu badan ee Geeska Afrika.   
Nimcooyinkan ay ka mid yihiin Beeraha iyo Xooluhu waxa soo raaca khayraadka badda iyo ahmiyadda istaraatajiyadeed ee dib u soo noolaatay.  
 Jamhuuriyadda Somaliland qallinjabinta waxa farxadeeda ku soo beegmay heshiis Midowga Yurub iyo Somaliland ay kala saxeexdeen, heshiiskaas oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha ee dalka, wuxuu diiradda saarayaa Kalluumaysiga iyo Xoolaha nool, waxaana udub dhexaad u ah dhallinyarada oo qayb ka ah mashaariicdan iyo kobcinta dhaqaalaha, lana siin doono maalgelin iyo deyn ay ganacsi ku furan karaan. 
Wasaaradda Qorshaynta ayaa ka masuul noqon doonto hirgelinta Mashruucan hubintiisa, kormeerkiisa iyo  inuu waafaqsan yahay qorshaha horumarineed ee dhaqaalaha  dalka Somaliland. 
Dhallinyaro, waxay ila tahay in aanay idinka qarsoonayn, lana socotiin xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale, caafimaad, cimilo iyo deganaansho la’aanta dunida ka jirta. 
Waxaan leeyahay maanta aqoon la’aani idinma hayso, in kastoo korodhsiimo aqooneed aan marnaba laga maarmin. Khayraadka sannadkan la sheegay, gaar ahaan macdanta, waxaan idiin tilmaamayaa in gumaysigii caddaa iyo Taliskii Soomaaliya inay isku dayeen ka faa’iidaysigooda, raadkoodiina uu muuqdo. 
 Ilaahay baa ka badbaadiyey, idinkuna simay khayraadka dalka oo dihin. Waxa loo baahan yahay in aad wacyigelin ku waajahan, joojinta carqaladaha sahan baadhista macdanaha dalka  ka bilowdaan  baraha bulshada. Kaas oo ku jihaysan ka hortagga dadka danaha gaarka ah leh ee adeegsanaya dhallinyaro war-moog ah.  
Dhibaatada carqaladahaas waxa tusaale ahaan inoogu filan sababihii dalka Shiinaha oo mashruuc gaasta dabiiciga ah ka waday deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo ay faraha ka qaadeen. 
Ogaada dhallinyaro fadhi dambe inooma yaal haddii aan u baahan nahay nolol iyo mustaqbal wanaagsan. 
Waxa Qoray Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured