Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Sheeko Aad u Xiiso-baddan Soo Bandhigay "KHUURO_KALE_KEEN"!!!
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Sheeko Aad u Xiiso-baddan Soo Bandhigay "KHUURO_KALE_KEEN"!!!
Hargeysa(Xogreeb)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa soo bandhigay Sheeko Xiiso baddan, oo la magac-baxday "KHUURO KALE KEEN”!!!
Sheeko ku maahmaahda ama halqabsigga sheekadu waa mid ka mid waxyaabaha ay dadkeenu in badan hiddo iyo dhaqan u lahaayeen, waana kuwa ugu xiisaha badan ee kaftan wanaagsana noqota, qosolna keenta, fariintana si fiican u gudbisa.
Haddaba Nin Hindi ah oo dukaan weyn Berbera ku laahan jiray beri hore ayaa wuxuu shaqadda qoray nin u ilaaliya dukaanka oo hor seexda si ay tuugtu uga gabato. Ninka Hindiga ahina gudaha tukaanka ayuu seexan jiray.
Hadaba ninkii shaqadda la qorey ee Waashmanka, ama Waardiyaha ahaa ayaa wuxuu lahaa Khuuro aad u xun oo qaylo dheer. Hindigii baa habeenkii hore ka seexan waayey khuuradiisii, kolkaasuu intuu toosiyey ninkii ku yidhi; "Jiib noom taani” oo af carabi ah micneehudna noqonayo " Khuuro kale keen!”, isagoo u jeedda Xaaji khuuradani kaa mari maysee mid kale la kaalay ileyn waanigan ka gam'i waayaye. Sheekadani berigii danbe dadkeena halqabsi wacan bay u noqotay kolkuu qof kuula yimaado arrin aan ku maraynin oo aad la yaabto. Leave a comment |
|
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Sheeko Aad u Xiiso-baddan Soo Bandhigay "KHUURO_KALE_KEEN"!!!
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Sheeko Aad u Xiiso-baddan Soo Bandhigay "KHUURO_KALE_KEEN"!!!