AAR FARMAAJO II GEEYA HALKAY LA MARAYSAA?. Siyaasi Cali Guray.

0
Friday September 17, 2021 - 00:11:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AAR FARMAAJO II GEEYA HALKAY LA MARAYSAA?. Siyaasi Cali Guray.

    AAR FARMAAJO II GEEYA HALKAY LA MARAYSAA?. Siyaasi Cali Guray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AAR FARMAAJO II GEEYA HALKAY LA MARAYSAA?. Siyaasi Cali Guray.
Sidii lagu doortay Farmaajo waynu ogayn oo waxay ahayd Indho sarcaad ama riwaayad ay si fiican u jilayeen koox daneed ay soo adeegsadeen Dawlad ama Dawlado shisheeye oo iyagu doonayay in dawladda Somalia ay gacanta ugu jirto cid ay ku kalsoonaan karaan oo u adeegsysa danahoodana ka fushan karaan. 
Taasi maaha Muqdisho ceebteeda ee waa caadadeeda in kuwa ku hirdama siyaasaddu ay danaha dawlado shisheeye u kala adeegaan. Sidaa daraadeed doorashooyinka Somalia maaha kuwa kala badinayaa siyaasiyiinta tartamaya ee soomaalida ah. Farmaajo markii loo soo cumaamadayay waxa loogu ololeeyay waxay ahayd si gaar ah oo dadka loo tusinayay shakhsi gaar ah oo ka duwan kana daacadsan inta kale ee siyaasiyiinta la tartamaysay ahayd. 
Oo yaa la tartamayay? Dee laba nin oo Hawiye ah oo iyagu iska bedelay Kursiga Madaxwaynaha. Taasi lafteeda ay qayb ka ahayd arimaha fursadda u noqday ee caawiyay Farmaajo. Taasi waxa marag u ah wareegii hore ee codbixinta markii midna intoodii tartamaysay uu heli waayay tiradii coddka looga baahnaa waxa la isku celiyay labadii ugu codka badnaa oo ahaa Farmaajo iyo Xasan Sheekh codka lagu kala baxay ee Farmaajo uu ku noqday madaxwaynuhu wuxu noqday codadkii uu helay Sheekh Shariif Axmed oo isagu ugu shubay Farmaajo. Maantana Xasan iyo Shariif Axmedba waxay ka mid yihiin golaha musharixiinta faraha badan ee Hawiye si uu xaal noqon doonona lama saadaalin karo. Balse taa waxa ka horeysa khilaafka hadda halka uu gaadhay la og yahay ee u dhexeeya Farmaajo Group iyo RW Roble halkuu ku dambayn doonaa? Inta aynaan ka jawaabin horta Farmaajo iyo Rooble kee baa gardaran kee baase gar leh? Gari Allay taqaane hawsha ugu mudan ee Dawladda Muqdisho u taal waa doorashada. Doorashadana hawlaheeda oo dhan iyo weliba amnigeedaba waxa masuul ka ah Raisul Wasaaraha Farmaajo laftiisa ayaan sidaa hore u ogolaaday oo saxiixay. Arimaha saamaynta ku leh doorashada iyo amniga doorashaduna waa dhamaan hawlaha dawladda oo dabcan socodsiintooda uu masuulka uu ka yahay RW Rooble. 
Hadaba Farmaajo oo ay ahayd in faraha uu kala baxo hawlaha fulinta ee guud ahaan maamulka dawladda balse diiday isagoo ka faaiidaysanaya kursiga Villa Somalia yaal ee aan weli la soo dooran qofkii sharci ahaan ku fadhiisan lahaa ayaa hadda halista ugu wayn ku haya maaha habsami u socodka hawlaha doorashada uun balse xataa amniga iyo xasiloonida Magaalada Muqdisho.
Waxaynu og nahay khilaafkii ka dhashay go’aankii saxa ahaa ee RW Rooble ee baadhista dilkii Ikraan Tahliil oo si badheedh ah Farmaajo uga horyimi, sababtana la fahmi karo. Maantana wuxu gaadhay in uu yidhaa "waxan xilkii ka qaaday RW Rooble isga oo wax awood ah u lahayn itaalna aan hayn ee maxbuus ku ah Vila Somalia oo aan dhanna uga bixi karin.
Dadka u dhuundaloola xaaladda Muqdisho ayaa qaba in Farmaajo qaskan iyo qalalaashan oo dhan uga jeedo in khalkhal uu abuuro si aanay u qabsoomi karin doorasho. Hadda wax isaga faro ugu jiraanna ma jiro. Keliya wuxu ku cabsi gelinayaa dadka Muqdisho in dagaal ka qarxi doono oo daaraha Muqdisho ay dumi doonaan. Muddo ayay taasi u shaqaysay maantase uma shaqaynayso. Waxa si cad u sheegay Suudi Yalaxow in aan daaro dumayaa jirin dhibaataduna ay ku kooban tahay qof keliya oo la iska qaban doono, qufkuna dabcan waa Farmaajo keligii. Farmaajo markaa qayb kama aha xalka ee isaga ayaaba ah dhibaatada lafteeda.
Hadda waxa keliya ee hadhsani waa sidii Farmaajo gacanta loogu dhigi lahaa. Ciidanka Amsom ee Villa Somalia deggeni waa in laba mid ay yeelaan. Kow in ay u hogaansamaan RW Rooble oo hadii uu amro qabashada Farmaajo ay iyagu qabtaan. Iyo in ay baneeyaan Villa Somalia si RW Rooble ugu diro ciidan isaga ka amar qaadanaya oo fuliya qabashada Farmaajo bal daaraha dumaya uu sheegayo ha la arko eh. 


Caligurey 
Hargeysa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured