Wasiirka Cusub ee Rooble Amniga u Magacaabay oo Xilka la Wareegay

0
Friday September 10, 2021 - 00:55:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cusub ee Rooble Amniga u Magacaabay oo Xilka la Wareegay

    Wasiirka Cusub ee Rooble Amniga u Magacaabay oo Xilka la Wareegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Cusub ee Rooble Amniga u Magacaabay oo Xilka la Wareegay

Muqdisho (Xogreebnews):- Raysal wasaaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu dhaarinaayay, islamarkaana uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka cusub ee Amniga Soomaaliya oo Xilka la wareegay 2021

Wasiirka cusub ee Amniga Soomaaliya oo Xilka la wareegay 2021

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Xukuumada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub ee wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya.

Dhaarinta wasiirka cusub kadib, waxaa xarunta wasaarada amniga gudaha lagu qabtay munaasabad ay goobjoog ka ahayeen wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Farxaan Cali Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsana wasaarada qeybaheeda kala duwan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Farxaan Cali ayaa xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda amniga gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka cusub oo ka hadlaayay munaasabada xilka lagula wareejinaayay ayaa u mahadceliyay dhamaan xubnaha wasaaradda sida ay u soo dhaweeyeen iyo waliba shaqada wanaagsan ee uu sheegay iney bulshada u hayaan, isagoona sheegay inuu dhankisa rajeynayo iney si wanagsan u wada shaqeyn doonaan.

Xil wareejinta wasiirka cusub ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo beegmeysa xili wasiirkii hore ee xilkaasi laga xayuubiyay uu sheegay in xil wareejin afduub ah maanta ka dhacday xarunta wasaaradda amniga gudaha sida uu kusoo daabacay barta uu ku leeyahay Baraha bulshada ku wada xariirto ee Internetka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured