Magacaabistii Wasiir Cali mareexan oo Madaxweyne Muuse Biixi Usoo Celisay Kalsoonidii Iyo Taageerayaal Cudud Badan oo Ku Teetsan Bariga Burco, Laascaanood, Caynaba Ilaa Ceerigaabo...

0
Monday September 06, 2021 - 22:05:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacaabistii Wasiir Cali mareexan oo Madaxweyne Muuse Biixi Usoo Celisay Kalsoonidii Iyo Taageerayaal Cudud Badan oo Ku Teetsan Bariga Burco, Laascaanood, Caynaba Ilaa Ceerigaabo...

    Magacaabistii Wasiir Cali mareexan oo Madaxweyne Muuse Biixi Usoo Celisay Kalsoonidii Iyo Taageerayaal Cudud Badan oo Ku Teetsan Bariga Burco, Laascaanood, Caynaba Ilaa Ceerigaabo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacaabistii Wasiir Cali mareexan oo Madaxweyne Muuse Biixi Usoo Celisay Kalsoonidii Iyo Taageerayaal Cudud Badan oo Ku Teetsan Bariga Burco, Laascaanood, Caynaba Ilaa Ceerigaabo...
Burco(Xogreebnews)-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo u Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi  todobaadkii hore Siyaasi Cali Mareexan, ayaa noqday masuulkii loogu hambalyeynta badnaa Dhamaan masuuliyiin kala duwanaa ee u magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi.
Wasiir Cali Mareexan ayaa ah Siyaasi da'yar, isagoo 2005-tii noqday Xildhibaan kamid ah mudanayaashii laga soo doortay gobolka Togdheer, isla Markaana kasoo baxay Xisbiga waqtigaa mucaaridka ahaa ee Kulmiye, waxana 2015-kii Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland ee waqtigaa Axmed Siilaanyo u Magacaabay wasiirkii hawlaha guud iyo gureyeyntaa, waxana Lagu xasuustaa Wasiir Cali Mareexan inuu ahaa masuulka ugu waxqabadka badnaa ee dhinaca Wadooyinka iyo dhismahooda, gaar ahaan Wadadii Ceerigaabo iyo Burco oo intii ugu badnayd dhisay.
Wasiir Cali Mareexan, waa Siyaasi saamayn xoogan ku leh, guud ahaan Somaliland, gaar ahaana gobolka Togdheer, oo u dhalasho ahaan kasoo jeedo. Waxanu wacdaro layaab leh iyo guulo lama ilaawana kasoo hooyey gobolka Togdheer, waqtigii uu Madaxweynaha JSL ee hadda Md. Muuse Biixi ahaa musharaxa Madaxweynaha, kana sharafnaa Xisbiga Kulmiye. 
Haddaba Magacaabista Wasiir Cali Mareexan iyo Kamid noqoshadiisa golaha wasiiradda Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxay fursad u siinaysaa Madaxweynaha iyl Xisbiga Kulmiye ba, inay dib usoo laabato, taageeradii muga lahayd ee Xisbiga Kulmiye ku lahaa Deegaanada bariga Burco, waxana magacaabistii Wasiir Cali Mareexan durbaa bedashay saadaashii Xisbiga Waddani ku cabiraayey inay kala foggaadeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo deegaanada bariga Burco. 
magacaabista Wasiir Cali Mareexan waxa soo dhoweeyey qaybaha bulshada, hadii aynu si gooni ah u dul istaagno deegaanada taageeradooda Laga yaabay waxa Kamid ahaa deegaanada ku teetsan bariga Burco, galbeedka Ceerigaabo, Caynaba ilaa Laascaanood.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured