Wasiir Cabdilahi Abokor iyo Oday Ganacsade Muuse Dalab, Chief Caaqil Axmed oo Caawa Laga Heshiisiyey Xurguftii Doorashadii...

0
Sunday September 05, 2021 - 01:19:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cabdilahi Abokor iyo Oday Ganacsade Muuse Dalab, Chief Caaqil Axmed oo Caawa Laga Heshiisiyey Xurguftii Doorashadii...

    Wasiir Cabdilahi Abokor iyo Oday Ganacsade Muuse Dalab, Chief Caaqil Axmed oo Caawa Laga Heshiisiyey Xurguftii Doorashadii...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Cabdilahi Abokor iyo Oday Ganacsade Muuse Dalab, Chief Caaqil Axmed oo Caawa Laga Heshiisiyey Xurguftii Doorashadii...
Hargeysa(Xogreebnews)-Siyaasi, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa sheegay in lasoo afjaray, isla Markaana la heshiisiiyey Oday Ganacsade Muuse Abokor Xirsi, Cheif Caaqil Axmed Caaqil yare iyo Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cabdilahi Abokor Cismaan oo doorashadii dhowayd ku kala qaybsamay, Isla Markaana xurguf siyaasadeed kala geysay.
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, waxa uu qoraalkiisu u dhigan yahay sidan.
"Waxaan aad ugu farxsanahay in caawa isu yimaadeen oo ay is laab xaadheen qaar ka mid ah odayaasha iyo madax dhaqameedka Ugu waaweyn Somaliland gaar ahaan kuwa ka soo jeedda gobolka Saaxil oo beryahan danbe ay dadku ku xamanayeen in xurgufi soo kala dhex gashay. Laba oday ee ugu waaweyn Oo kala ah Muuse Xirsi Abokor ( Muuse Dalab) Oo ah gudoomiyaha Dan iyo Duco. Iyo Chief Caaqil Axmed Caaqil yare. Goobta waxaa isna la joogay Wasiir Cabdilaahi Abokor kulanka laab xaadhashadda qayb weynna ka ahaa. Muuse Dalab waa oday ah ganacsade, hogaamiye reereed, nabadoon, mujaahid, Oo door laxaad lehna ka soo qaatay halganaddii siyaasadeed ee dalka. Chief Caaqil Axmed Caaqil yare maanta waa Ninka Ugu da'da weyn Caaqilada Somaliland. Muddo 60 sanadood ah ayuu Chief Caaqil ahaa Oo Xaaji Cabdi Waraabe ayuunbaa ka badnaa mudadda Chief Caaqilnimadda. Inta noolna isagaa Ugu weyn. Wuxuu door weyn ka soo ciyaaray halgankii iyo nabadayntii dalka. 
Waxaa kaalintiisa aan la ilaawi Karin Eng Maxamed Haybe Nuux oo Ilaahay ka sokow sabab weyn u ahaa in ay odaydu isu yimaadaan Oo heshiiyaan. Qofka muslimka ahina waa inuu mar walba ku farxaa wanaaga iyo heshiiska.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured