Wasiirku xigeen uu Shalay Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi oo Iska Casilay Xilkii

0
Friday September 03, 2021 - 19:53:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirku xigeen uu Shalay Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi oo Iska Casilay Xilkii

    Wasiirku xigeen uu Shalay Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi oo Iska Casilay Xilkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirku xigeen uu Shalay Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi oo Iska Casilay Xilkii
Hargeysa(Xogreebnews)-Wasiirku xigeenkii arrimaha dibada uu Shalay u Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi, Ambassador Baashe Cawil, ahni Wiilkii Madaxweyne Siilaanyo Sodogga u ahaa, ayaa iska casilay Xilka cusub ee loo Magacaabay.
qoraal uu soo saaray Ambassador Baashe ayaa u dhigan sidan.
"WAR-SAXAAFADEED: 02/09/2021 ISCASILAAD
Mudane Madaxweyne anoo xiganaya  Wareegtadaada summadeedu tahay 
JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 kuna taariikhaysan 02/09/2021, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda  iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya, kaas oo bishii August 13 2018 aad ii magacowday.
Waa sunnaha siyaasida in shaqada qaranku tahay qori isku dhiib, sidaad darteed  sharaf weyn ayay ii ahayd xilka aan  qarankankayga u hayay uguna addeegayay lixdii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland u matalaya UAE iyo Kenya. 
Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in aad iga aqbasho codsiga aan halkan kuugu soo gudbiyay. 
ALLAA MAHAD LEH. 
Baashe Cawil Xaaji Cumar.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured