MUWAADIN KA TAXADIR CAABUQA COVID-19 OO QAADO TALLAALKIISA W/Q:- Dr.Abdillahi Mohamed MD,Advanced Trained of Forensic Medicine .

0
Wednesday September 01, 2021 - 20:53:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 609
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUWAADIN KA TAXADIR CAABUQA COVID-19 OO QAADO TALLAALKIISA W/Q:- Dr.Abdillahi Mohamed MD,Advanced Trained of Forensic Medicine .

    MUWAADIN KA TAXADIR CAABUQA COVID-19 OO QAADO TALLAALKIISA W/Q:- Dr.Abdillahi Mohamed MD,Advanced Trained of Forensic Medicine .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUWAADIN KA TAXADIR CAABUQA COVID-19 OO QAADO TALLAALKIISA W/Q:- Dr.Abdillahi Mohamed MD,Advanced Trained of Forensic Medicine .
FAAIIDOOYINKA TALLAALKA CUDURKA COVID-19 : 
Bismillahi raxmani raxiim wasallatu calaa sayidana wa mawlanaa Muhammed scw alfa mara . Maqaalkan kooban waxaynu ku eegi doonaa faaiidooyinka tallaalka cudurka covid-19 ama caabuqa cudurka corona virus . Sidaynu ogsoonahay caabuqa cudurka covid-19 waxa uu waddanka China gobolka Wuhan ka dilaacay dabayaaqadii sannadkii 2019 . Cudurka covid 19 waxa uu ku socday xawaare faro badan kaasi oo dhamaan qaaradaha adduunyada u kala gudbay oo gallaaftay nolosha malaayiin qof oo uu adduunyada guudkeeda dhaafiyey waa cudur qaarad ilaa qaarad iskaga gudba waana sababta loo yidhi marka la eegayo cilmiga epidemiology ga (Pandemic disease ) .
Mar hore waxaynu maqaalo kaga hadalnay caqabadaha (Complications of covid-19) uu qofka binu aadamka ah kaga tagi karo caabuqa covid-19 xataa haddii uu ka badbaado qofka bukaanka ahi , lama odhan karo boqolkiiba boqol ayuu raad kaga tagayaa caabuqa covid -19 balse daraasado la sameeyay kuwaasi oo lagu sameeyay bukaano uu asiibay caabuqa covid-19 ayaa sheegaya raadadka iyo caqabadaha uu ka tagayo covid-19 ay ku xidhantahay dhawr qodob oo ay daraasadaha kagu sameeyay bukaanadaasi oo boqollaal bukaan ahayd ay tahay :-
  A) The age of the patients more than 60 the risk of complication is higher than the others .
B) the severity of the disease aspect .
C) The vulnerable groups or having commorbidities or having another medical illnesses such as chronic diabetes , cardiovascular diseases or advanced or metastesized maligancies .
 Dhamaan qodobadaasi waxay diirada saarayaan buukaanada uu caabuqa covid-19 saamaynta inta ugu badan kaga tagi karo .sidaas darteed waxaa fiican in ka hortag fiican la sameeyo oo ay ugu horeyso wakhti xaadirkan inay bulshadu ku dedaasho inay tallaalka ka hortaga covid-19 qaataan .maqaalkani waxa uu daba socdaa maqaal hore oo aynu kaga hadalnay caqabadaha iyo raadadka uu ka tagi karo covid- 19 kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen :- 
 1. Inuu covid 19 dhaawac u gaysan karo kalyaha qofka binu aadamka ah .( Acute kidney injury )
2. Inuu dhaawac aanu markaaba qofku dareemin kaga tagi karo caabuqa covid-19 
3. Sidoo kale waxa uu dhaawac kaga tagi karaa habka neef mareenka qofka . 
Acute Kidney Injury (Dhaawac Degdega oo kalyaha oo gaadha ) sababaha ugu badan ee keenaya inuu Covid 19 dhaawac soo gaadhsiiyo kalyaha way faro badan yihiin balse waxaa ugu muhiimsan waxa uu keenayaa marka hore Shock ama dheeli tiran buuxa oo ka yimi dhiigii oo gaadhi waayay kalyaha kadibna uu dhaawac soo gaadho .
**#  Acute Vascular injury  ; dhaawac soo gaadha xidida dhiiga taas sabab u noqon karta inay xinjir samaysmanto kadibna stroke ama faalig uu keeno markay xinjirtu maskaxda gaadho .
Runtii caqabadahu way badan yihiin balse tusaale intaasi ha inoo ahaato .
Cabaqada qofka noloshiisa raaci raaci kara ( chronic complications of Covid 19 ) 
.*#  Anxiety then into panic State  or Major Depressive Disorder( xanuun kastaa waxaa uu sababaa warwar balse Covid 19 waa mid sababay dhibaatooyin faro badan oo dhinaca xanuunka dhimirka ah . Runtii daraasado faro badan ayaa taasi tilmaamaya ( mental Disability )
*=  Wadno canuun ( myocarditis )
Haddii aad ku dedaasho inaad qaadato tallaalka ka hortaga cuduraka covid-19 waxaad ka fogaanaysaa dhamaan caqabadaha caafimaad darro ee kaasoo gaadhi ka cudurka covid-19 . 
.**# Ku baraaruji Family gaaga inay qaataan tallaalka ka hortaga cudurka covid-19 . 
*#  Ma dhamaan weli halista cudurka Covid-19 Sidaas daraadeed ku dedaal inaad afcidh ama ( Face mask) aad xidhato .
*# Ka fogoow meelaha saxmada ah siiba goobaha buuqaha .
*# Ka fogoow meelaha buuqa ah 
*# Ku dedaal inaad faraxato 
*# Isticmaal antiseptic ama jeermis dile .
W/Q:- Dr.Abdillahi Mohamed MD,Advanced Trained of Forensic Medicine .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured