Xildhibaan Axmed Dayiboow Madaxweynuhu Qarankii uu u Dhaartay ayuu u abaal celiyey. Qalinkii Cabdilahi Axmed Caarshe.

0
Wednesday September 01, 2021 - 19:32:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Axmed Dayiboow Madaxweynuhu Qarankii uu u Dhaartay ayuu u abaal celiyey. Qalinkii Cabdilahi Axmed Caarshe.

    Xildhibaan Axmed Dayiboow Madaxweynuhu Qarankii uu u Dhaartay ayuu u abaal celiyey. Qalinkii Cabdilahi Axmed Caarshe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Axmed Dayiboow Madaxweynuhu Qarankii uu u Dhaartay ayuu u abaal celiyey. Qalinkii Cabdilahi Axmed Caarshe.
Naqdi kooban
Xildhibaan Kucadeeye waxaa uu baahiyey qoraal uu bulshada somaliland ku kala qaybiyey isaga oo beelo ugu kala abtiriyey, iyada oo aanay banaanayn in ummadda loo kala abtiriyo ama la kala qaybiyo waana dhaqamadii waqtigii jaahiliga ee la soo dhaafay. 
Sidoo kale Sheikh Kucadeeye waxaa uu sheegay in madaxweynaha somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi bulshadii dooratay 13 November 2017 aanu u abaal celin, dhinaca kale aanu madaxweynuhu ku hodmin filasho danbe oo ah tii 13 November 2017 kale.
Hadaba waxaan u sheegayaa Xildhibaan Kucadeeye aniga oo ixtiraamaya xildhibaanka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuu celiyey ama wuu guday abaalkii ay ka sugayeen bulshada reer somaliland anigu reer odhan maayo'e,  taasoo ahayd in uu ilaalinayo qaranimada, in uu bulshada ugu adeegayo si siman, isku haynta bulshada iyo ilaalinta ammaanada ummaddu leedahay.
Xildhibaan Kucadeeyow, aniga oo ku saxaya madaxweynuhu uma dhaaran in uu reer gaar ah u abaal celiyo ama uu si gaara u naas nuujiyo balse madaxweynuhu wuxuu u dhaartay in uu ummadda u wada shaqeeyo si cadaalad ah.
Waxaa hubaal ah in uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka soo baxay balan qaadkii bulshada  isaga oo ilaaliyey ama xafiday hantida qaranka, waxaa uu dalka ka suuliyey musuq-maasuqii iyo maamul-xumo dowladnimo, waxaa uu soo celiyey hantidii ummadda ee la wareejiyey, wuxuu ilaaliyey qaranimada dalka isaga oo madaxweyne Muuse difaac adag ka galay dagaalo diplamaasiyadeed oo ay somaliland ku soo qaadeen dowlado shisheeye, kuwaasoo doonayey in qaranimada somaliland la majo xaabiyo.
Waxaa kale oo cad dagaalada siyaaseed ee ay dowladaha shisheeye ku soo qaadeen somaliland nin aan madaxweyne Muuse ahayne wuu is dhiibi lahaa, taasi waa mid aan shaki ku jirin.
Gunnaanad.
Xildhibaan waxaan kuu sheegayaa madaxweyne Muuse waxaa uu haystaa taariikh iyo waxqabad ay marlabaad bulshada somaliland ku dooranayaan, bulshada iyo reeraha somalilandna madaxweynaha qaranka waa isku mid waa madaxweyne qaran. Waxaad  dhiiri gelinaysaa xildhibaan in reeraha qaar si gaara ah oo cadaalad darro ah wax loo siiyo taasina maaha hoggaaminta madaxweynaha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured