QORSHE XUMADA WASAARADA CAAFIMAADKA SOMALILAND. W/Q: Dr. Abdillahi Mohamed
QORSHE XUMADA WASAARADA CAAFIMAADKA SOMALILAND. W/Q: Dr. Abdillahi Mohamed
Bismillahi raxmani raxiim wasallaatu calaa sayidil khalqi Muhammed scw alfa mara . Waxaynu caawa ku eegi doonaa maqaalkan gaaban qorshayaasha aan laga baaraan degin wasaarada caafimaadka qaranka Jamhuuriyada Somaliland . Ma jecli inaan qoraalka dheereeyo hase yeeshee waxaynu eegi doonaa qorshe darada hortaala wasaarada caafimaadka . Hore ayaynu usoo sharaxnay qorshe xumada hortaala wasaarada caafimaadka iyo heerkii laga filayay oo hoos u liita . Sideedaba qorshayaashu waxay noqdaan anwaac kala gadisan oo ah :
1. Long plans : waa qorshayaal qaata wakhti muddo dheerna loogu talo galo inay ku fulaan .
2. Short Plans : waa qorshayaal loogu talo galay in si degdeg ah loo qabto ama loo fuliyo.
Haddaba waxaan ugu dan leeyahay inaan qorshayaashaas qeexo , sababtoo ah waxaa ii muuqda iyadoo aanan arkayn wax kasoo muuqda inay qorshayaashaasi fuleen marka la eegayo dhinaca cudurkan Covid 19 . Cudurkan covid 19 waxaa lagu bixiyay miisaaniyado kala gadisan balse maanta ayay madaxda wasaaradu gebgebta hayaan . Taasi waxay inoo tusaysaa qorshe xumada haysata wasaarada caafimaadka iyo madaxdeeda .
U fiirso waxaa jiray cusbitaalo loogu talo galay in karantiilka lagu sameeyo sida cisbitaalka daryeel balse waxaa laga dhigay hospital community ah kaas oo aan ahayn hadda xarun karantiil . Balse dadka lagu karantiilo cisbitaalka wayn ee Hargeisa . Haddaba waakaas qorshaha iyo caqliga wasaarada caafimaadka madaxdeedu iyo sida ay u fikirayaanba .
Dhammaan shaqaalihii Dhakhaatiirta ahaa ee qaybta ee xaalada Emergency ga ah wasaarada u joogay wasaarada caafimaadka waa la kala direy sababtoo ah lacag ayaabaan loo hay . Qorshe xumada waxaa ka mida iyadoo Machine ka Covid 19 ku soo saaro maakinkii lacag kafeyn karta dhammaan baahiyaha iyoadeegyada lagu daryeeli lahaa dhamaan adeegyada bukaanada uu haleelo cudurka covid 19 . Mida kale waxaa dib u dhac wayn oo xagga wakhtiga ahi ku yimi tallaalka ka hortaga Covid 19 . Kaasoo baahi wayn loo qabay oo aan si hagar la'aan ah waxba looga qaban .
Gebogebo : si hore horumarkasta oo hay'ad dawladeed ay fulinaysaa si uu u noqdo mid wax ku ool ah (Sustainable development) waa in ay qorshayaashu ay noqdaan kuwa ku hirasho mudan sidaas darteed waa inuu hogaanku noqdo hogaan siyaasadaha iyo qorshayaasha mid fulin kara ( Accountable ) . Haddaad u fiirsato ilaa maanta qorshe cad lagama samayn dhinaca karantiilka covid 19 . Sidoo tallaalka covid 19 weli lama wadda gaadhsiin bulsho waynta qaranka jamhuuriyada somaliland .
The Covid 19 vaccination ( There should be well clear preparedness policy about covid 19 vaccination and it should be a mass vaccination to cover the most vulnerable and indicated ages )
Horumarinta caafimaadku uma baahna maalin media ha laga soo dhex muuqdo .
Waxaan kusoo gebo gabaynayaa qoraalka beyt kamida :
Hambabalida lama soo lulee
Heerataa tahaye
Hambabalida lama soo lulee
Heeratee tahaye
Hambabalida lama soo lulee
Heerataa tahaye
Hambabalida lama soo lulee
Heeratee tahaye
W/Q: Dr. Abdillahi Mohamed
Email: Garraadahmed@gmail.com Leave a comment |
|
QORSHE XUMADA WASAARADA CAAFIMAADKA SOMALILAND. W/Q: Dr. Abdillahi Mohamed
QORSHE XUMADA WASAARADA CAAFIMAADKA SOMALILAND. W/Q: Dr. Abdillahi Mohamed