"Noqoshada Markabkaas Waxa Sabab u ahaa cida soo Raratay...Bishii ka soo Wareegtay furitaanka Dekeda cusub shaqaddu aadbay u badnayd". Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi.

0
Friday July 30, 2021 - 02:27:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Noqoshada Markabkaas Waxa Sabab u ahaa cida soo Raratay...Bishii ka soo Wareegtay furitaanka Dekeda cusub shaqaddu aadbay u badnayd". Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi.

    "Hadii aan Taxader laga Yeelan Halis badan ayey galaysa Dekeda cusub ee aynu Ku Samaynay Lacagta badan, qaybta mareenisku Maanta way isku filan yihiin, Waxana ka Hawlgala Sadex Taag oo waa waaweyn.. Anagu ka Deked ahaan ma qaban-karno oo Maraaki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadii aan Taxader laga Yeelan Halis badan ayey galaysa Dekeda cusub ee aynu Ku Samaynay Lacagta badan, qaybta mareenisku Maanta way isku filan yihiin, Waxana ka Hawlgala Sadex Taag oo waa waaweyn.. Anagu ka Deked ahaan ma qaban-karno oo Maraakiibtu waa Safaarad, anagu waxa keliya ku qaban karnaa waa Waaran Maxkamadeed". Mareeye Siciid Xasan Cabdilahi.
Berbera(Xogreebnews)- Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa ka Hadlay warar been abuur ahaa, isla markaana xaqiiqo ahaan la Marin-habaabiyey, kuwasoo sheegayay Markab Agab kala duwan siday oo u rarna ganacsato reer Somaliland ah, oo dib ula laabtay madeecadii uu siday. Maareeyaha oo arimahaas ka Hadlaya waxa uu yidhi, "Runtii Waxay Soomaaliddu ku maahmaahda si xun wax u sheeg Sixir-wuu ka daran yahay, waxa jiray Markab agab u siday ganacsato reer Somaliland ah, Markabkaasi isagoon soo gaadhin Dekeda Berbera, oo maraya Biyaha Somaliland, waanu la Hadalnay, Wuxuu noo sheegay in aanu soo xidhanayn, waxanu waydiinay sababta, waxanu noo sheegay inuu sugayo lacagtii Nooliga, in Dubai naloogu shubo, markaa intaa aan amar helaayo,  markaa noqoshada Markabkaas waxa sabab u ahaa cida soo raratay iyo Markabka arrin u Dhexeeyey, Dekeda na muu soo gelin Markabkaasi, welina meel dhexe ayuu taagan yahay, waxa lagu guda jiraa dhinacyada ay khusaysay inay xaliyaan arimahas, oo ka dhexeeyey Mulkiilaha Markabka iyo ganacsadaha soo rartay, xataa hadii uu iman lahaa anigu ka Deked ahaan ma qaban-karneenba oo Maraakiibtu waa Safaarad, anagu waxa keliya ku qaban karnaa waa Waaran Maxkamadeed. 
Waxa kaloo isna jiray Markab kale oo siday Koontiinaro, sidaad la socotaan Maraakiibta qaada Koontiinaraddu waxay ku socdaan, qorshe iskeji-wal ah, Markabkaasi markuu taagnaa laba cisho, oo ay dhacaysay Dabaylo aad u xoog-badan, kuwasoo sacaadii ku socda in ka badan %45, waxa dhacday Markabka iyo Dp World waxay isla garteen noqdo, rarka uu sidana soo saaro markab kale oo ay isway-daaranayeen, waxanu hadda Markabkaasi alaabtii kusoo wareejiyey, Markabkii kale, beritoole ayaanu soo xidhan doonaa Markabkaasi, waxana u Dhexeeyey mudo 3 cisho ah, markaa ma jiraan wax ka goostay Dekeda Berbera, dadka waxaas qorayaana runtii waa inay iska hubsadaan intaa aanay wax faafin, isla markaana kasoo xidhiidhan Maamulka Dekeda Berbera".
Sidoo kale, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu ka Hadlay
Horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera mudooyinkii u dambeeyey, isagoo hoosta ka xariiqay, isbedelka xaga korodhka ah ee Dekeda cusub ee Berbera durba samaysay, tan iyo bishii hore markii xadhiga laga jaray. 
Maareeyaha oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, "Run ahaantii waxa la is odhan karaa Maxaa isbedelay, bishii ka soo wareegtay furitaanka Dekeda cusub ee Berbera, shaqaddu aadbay u badnayd, anaguna waanu dardar-gelinay, waxana Dekeda ka hawlagala maybe kala duwan, hadii aan soo horaysiiyo faraca Badda, waxay qaybtaasi afar iyo labaatanka Saacadood ku jiraan heegan buuxa, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee ah inay soo xidhan Maraakiibta, isla markaana furaan.
Sidoo kale, waxa iyana ku xigtaa qaybta Dp World, ee dejinta iyo rarista oo iyagguna 24-ka sacaadood heegan ku jira. Waxa kaloo iyaddana anu dardar-gelinay Shaqaalaha kale ee Muruq-maalka ah ee Dekeda Berbera, sida Geelayaasha oo iyagguna hawlahoodii shaqo laban-laabay".
Waxa kaloo uu ka tafaasiil Kooban ka bixiyey Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, dhibaatada ay soo xidhista Maraakiibta ku hayso Dabaysha ba'an ee ka dhacaysa Berbera, taasoo xawaare sare ku socota, isla markaana taxader badan iyo khibrad lagula tacaalo,  maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi. "Bishan oo kale, waxa Magaalada Berbera ka dhaca Dabaylo aad u xoog badan, kuwasoo sacaadii ku socda xawaare ah saacadoo afartan Kiilo-mitir. Runtii waxanu ka shaqaynaynana waa wax Sabaynayaa bisha badda dushooda, hadii aan taxader laga yeelan Halis badan ayey galaysa Dekeda cusub ee aynu ku samaynay Lacagta badan, ilahay ayaa mahadleh, qaybta mareenisku Maanta way isku filan yihiin, waxana ka hawlgala sadex Taag oo waa waaweyn, isla markaana ah kuwo casriya, kuwasoo soo jiida Maraakiibta, kana ilaaliyo oo haya Maraakiibta, hadii aanay joogin gaadiidkeena Badda ee Taagagu dabaysha in lasoo xidho, wax ka suurogeli lahaa ma jiraan".
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxa kaloo uu Faahfaahiyey dhoofkii Xoolaha ee Bishii Arafo, ee Xoolaha Xajka, iyadoo ay Dekeda Berbera ka dhoofeen Xoolo, gaadhaya Hal-milyan oo Neef. Waxanu yidhi, "sidoo kale, waxanu rarnay Maraakiibtii ugu baahnayd ee Xoolo qaada, January ilaa July oo aan ku jirno, waxana Dekeda Berbera ka dhoofay Xoolo gaadhay Hal-milyan oo Neef, kuwasoo kala tagay Sacuudiga iyo Yaman, waxa kaloo aanu rarnay Doonyo badan, 20 ka badan, kuwasoo u qaadeyey Yaman iyo Baxrayn". Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured