Aan idinla wadaago xikmadihii qaar ka mid ah Caalamkii weynaa ee Shiikh Axmed Diidaa, Alle ha u naxariistee

0
Wednesday July 21, 2021 - 21:10:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aan idinla wadaago xikmadihii qaar ka mid ah Caalamkii weynaa ee Shiikh Axmed Diidaa, Alle ha u naxariistee

    Aan idinla wadaago xikmadihii qaar ka mid ah Caalamkii weynaa ee Shiikh Axmed Diidaa, Alle ha u naxariistee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aan idinla wadaago xikmadihii qaar ka mid ah Caalamkii weynaa ee Shiikh Axmed Diidaa, Alle ha u naxariistee
1: "Qofna markii uu dhalanayay ma uu dooran midabkiisa, nasabkiisa, hantidiisa iyo cidda uu noqonayo ee haddii aadan abuurka alle  ixtiraamayn, abuuraha ixtiraam"
2: "Cadowga ugu weyn ee Islaamku waa muslimka jaahilka ah, kaas oo xanaaqiisa iyo xamaasadiisa ku samaynaya falalka sumcad-darro u soo jiidaya Islaamka, dadka kalena marka ay arkaan waxa ay moodayaan inuu Islaamku yahay isaga oo kale yahay.”
3: "Anigu Muslim baan ahay, Islaamnimaduna waa diin dhamaystiran; laakiin, anigu ma ihi insaan dhammaystiran. Haddii aan gef ku dhaco Islaamka ha canaananina, ee aniga i canaanta.”
4: "Qofka gudaha ka wasakhaysani, ma suuraysto in ay jiraan dad wanaagsani.”
5: "Dadka kuwa ugu dhaqanka xumi, waa kuwa marka ay kaa cadhoodaan wanaagaaga dafira, sirtaada faafiya, noloshaadana diida, wax aanad ahayna kaa sheega.”
6: "Anagu ma nihin kuwa ka dib dhacsan reer Galbeedka, balse, waxa aynu nahay kuwa ka dib dhacsan Islaamka. Caalamka waxaan ugu hadhnay ka dib markii aan ka tagnay Diinteena.”
7: "Waa in aad ILaahay ka filataa, wax aanu garaadkaagu sugayn; ILaahay wax walba wuu awoodaaye.”
8: "Joogiddaada iyo la'aantaadu Islaamka waa isugu mid, balse, adigu Islaamka la'aantii waad lumaysaa.”
9: "Islaamku adiga la'aantaa wuu guuleysanayaa, laakiin adiga Islaamka la'aantiis waad khasaareysa.”
10: "Waxa aan aaminsanahay in Alle yahay ka kaliya ee wax abuura, waxa uuna noo soo diray rasuullo iyo nebiyo, si ay noo hagaan.”
11: "Haddii aad jeceshahay Alle waa in aad jeclaataa Nabiga (scw). Haddii aadan jeclaan karin midka aad arki karto, sidee ayaad u jeclaan kartaa midka aadan arki karin.”
12: "Nooloow keligaa, hayeeshee cidna kelinimo ha badin; u nooloow si qof weyn,  hana ku noolaan isla weyni; Alle u nooloow, Dartiisna u dhimo; abuurkana Abuurahooda u daa.”
13: "Dumarku, iyagu waa hooyadaa, iyagu waa walaalahaa, iyagu waa inanta aad dhashay, iyagu waa eeddada/habaryartaa, waa in ay noqdaan kuwo la jecel yahay oo aan iib ahayn; anigu ma xayaysiinayo.”
14: "Qof ayaa ku yidhi Sheekh Diidaat: "Dumarku waa fitnada adduunka.” Sheekh Diidaat ayaa ugu jawaabay, "Haa waa runtaa, waan kugu raacsanay boqolkiiba boqol. waayo, Nacas adiga oo kale ah ayey 9 bilood la soo dhibaatoodeen oo adduunka keeneen si uu dumarka ugu tilmaamo dhibaatada adduunka!”
15: "Haddii aad cunto fasahaad, jidhkaaga ayaa fasahaadaya .. haddii aad akhriso buug fasahaadsan, garaadkaaga ayaa fasahaadaya .. Iska jira kuwa wax qora garaadkiina waxa ay u yeedhinayaan.”
Faisal Ahmed Karshe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured