Frank de Boer oo ka tagay shaqada tababarka ee Xulka Netherlands kaddib markii ay ka hareen Koobka Euro 2020

0
Wednesday June 30, 2021 - 00:02:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Frank de Boer oo ka tagay shaqada tababarka ee Xulka Netherlands kaddib markii ay ka hareen Koobka Euro 2020

    Frank de Boer oo ka tagay shaqada tababarka ee Xulka Netherlands kaddib markii ay ka hareen Koobka Euro 2020

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Frank de Boer oo ka tagay shaqada tababarka ee Xulka Netherlands kaddib markii ay ka hareen Koobka Euro 2020

Holland(Xogreeb-sports)-Xulka Netherlands ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maanta oo Talaado ah inuu shaqada ka tagay tababare Frank de Boer, kaddib markii ay macsalaameeyeen Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee Euro 2020.

Xulka Netherlands ayaa ka haray Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay guuldaro 2-0 ah kala kulmeen xulka Czech Republic, kulankii wareega 16-ka.


Haddaba Tababare Frank de Boer ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee xulka Netherlands:
"Waxaan go’aansaday inaanan sii wadin tababarka xulka, ujeedkiina lama gaarin, tan waa iska cadahay.”
"Marka la ii soo bandhigay inaan noqdo tababaraha xulka qaranka sanadkii 2020, waxaan moodayay inay ii tahay sharaf iyo caqabad, laakiin sidoo kale waxaan ka war qabay cadaadiska igu imaanayo laga bilaabo markii la ii magacaabay.”

"Cadaadiskani kaliya wuu sii kordhayaa iminka, tanina xaalad caafimaad iima ahan aniga, sidoo kale xulka kubadda cagta Holland oo ku sii jeeda isreeb-reebka koobka adduunka, waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo qof walba, dabcan, taageerayaasha iyo ciyaartoyda.”
"Waxaan sidoo kale amaanayaa maamulka oo halkan ku abuuray jawi isboorti oo dhab ah.”
Waxaa xusid mudan in 51 jirkaan uu la wareegay hoggaaminta xulka qaranka Holland bishii Sebtember 2020, wuxuuna xilka kala wareegay ninka ay dhalashada wadaagaan ee Ronald Koeman, kaasoo kaga dhaqaaqay xulka si macalin ugu noqdo Barcelona.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured