Xulka England oo u gudbay wareega Siddeed dhammaadka Koobka EURO...

0
Tuesday June 29, 2021 - 23:50:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka England oo u gudbay wareega Siddeed dhammaadka Koobka EURO...

    Xulka England oo u gudbay wareega Siddeed dhammaadka Koobka EURO...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka England oo u gudbay wareega Siddeed dhammaadka Koobka EURO...

London(Xogreebnews)-Xulka England ayaa u gudbay wareega Siddeeda ee Koobka EURO 2020 kaddib markii uu 2-0 kaga adkaaday dhigiisa Germany, kulan qeyb ka ahaa wareega 16-ka ee tartanka Qaramada Qaarada Yurub.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada xul qaran England iyo Germany ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 75-aad xulka England ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Raheem Sterling, kaddib markii ay caawin kaga timid Luke Shaw.

86 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Harry Kane oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Jack Grealish ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka England.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 uu xulka qaranka England kaga adkaatay dhigiisa Germany kulankii wareega 16-ka ay ku wada ciyaareen garoonka Wembley, wiilasha lagu naaneyso saddexda Libaax ayaa waxay sidaas isaga xaadiriyeen wareega xiga siddeed dhammaadka Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020, wuxuuna sugayaan kii soo baxa xulalka Sweden iyo Ukraine

SAWIRRO:





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured