Tababare hore kooxda Chelsea ah oo kala taliyay Cristiano Ronaldo mustaqbalkiisa Juventus.

0
Friday June 25, 2021 - 02:40:10 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare hore kooxda Chelsea ah oo kala taliyay Cristiano Ronaldo mustaqbalkiisa Juventus.

    Tababare hore kooxda Chelsea ah oo kala taliyay Cristiano Ronaldo mustaqbalkiisa Juventus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare hore kooxda Chelsea ah oo kala taliyay Cristiano Ronaldo mustaqbalkiisa Juventus.

Turin(Xogreeb-sports)-Tababarihii hore kooxaha Ingariiska ee Chelsea iyo Tottenham, André Villas-Boas ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga ay dhalasha wadaaga yihiin ee reer Portugal Cristiano Ronaldo.

Waxaa shaki la galinayaa mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Juventus, iyadoo warar badan ay xaqiijiyeen suurtogalnimada uu uga tagayo kooxda xagaagan, halka qaarna ay tilmaameen suurtagalnimada ay isku dhaafsanayaan Juventus iyo Paris Saint-Germain xiddigaha Cristiano iyo Mauro Icardi.

Haddaba André Villas-Boas oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalka xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, wuxuuna yiri:

"Juventus waxay heysataa tababare cusub, Massimiliano Allegri, kaasoo guulo la soo gaaray marwada duqda ah, waxay u noqon doontaa loolan cusub Ronaldo.”

Ballon d'Or - Villas-Boas : "Je reste toujours admiratif de Cristiano ( Ronaldo) parce que je suis Portugais et je le défends"

"Waxaan kula talin doonaa Ronaldo inuu sii joogo Juventus, waxay ku noqon doontaa caqabad weyn isaga inuu aado Paris Saint-Germain tusaale ahaan.”

Si kastaba ha ahaatee, Cristiano Ronaldo ayaa haatan bandhig fiican ka sameynaya xulkiisa Portugal Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020, maadaama uu ku hoggaaminayo gooldhalinta tartanka 5 gool, xilli sidoo kale uu xulkiisa ku hoggaamiyay inay booska saddexaad ugu gudbaan wareega xiga ee 16-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured